
Dalka Brazil oo Garaacday Croatia, Guulna kufuratay Koobka Adduunka.
Dhanka kale ciyaartoyda xulka qaranka ayaa u eka inay xakameynayeen khadkooda difaaca bilowgii ciyaartaba iyagoo kutiirsanaa weerara rogaal celiska ah, Marcelona ayaa shabaqiisa si qalad ah u dhexdhigay kubad katimid weeraryahanka Croatia Ivica Olic, sidaas waxaa hogaanka ciyaarta kuqabtay Croatia daqiiqadii 11aad, daafaca Real Madrid ayaa noqonaayo ciyaaryahankii ugu horeeyay ee reer Brazil oo gool iska dhaliyo koobka adduunka.
Xulka qaranka Croatia ayaa markaas kadib bilaabay inay kubada kasoo fogeeyaan aagooda garoonka, halka laacibiinta Brazil ay cadaadis xoog leh saarayeen shabaqa Croatia, balse isku dayadaas midkoodna maguuleesanin.
Daqiiqadii 21aad, goolhayeha Croatia ayaa fursad dahabi ah kabadbaadiyey kubad sameeyaha Brazil Oscar, Neymar oo kasoo xarooday shabaqa bidixdiisa ayaa kubada banaanka soo dhigay, laaicbka Chelsea ayaa kubada meel cidlo kahelay, darbadii uu aadiyey shabaqana waxaa kasoo tufay Pletikosa.
Daqiiqadii 28aad Neymar ayaa Brazil ulabeeleeyay ciyaarta, Oscar ayaa dhexda uga badiyey labo ciyaaryahan kahor inta uusan kusalimin Neymar oo shabaqa kasoo toogtay meel ujirto 25Yard, weeraryahanka reer Brazil ayaa farxadda kusoo celiyey jamaahiirta Celesao.
Kadib qaab ciyaareed ay soo bandhigeen labada dhinac, seeri wadaha ayaa ku dhawaaqay inay dhamaatay labadii daqiiqo ee lagu daray ciyaarta.
Qeybtii labaad ee ciyaarta Croatia ayaa kusoo gashay qaab kalsooni ku dheehan tahay, iyadoo kubada laqeyb saneesay ciyaartoyda xulka Brazil, sidaas ay tahay labada xul ma eysan abuurin fursado sidaas ubadan.
Daafaca xulka qaranka Croatia ayaa daqiiqadii 68 kudhagay weeraryahanka Brazil Fred gudaha diilinta ganaaxa, seeri wadaha ayaan labalabeen inuu tilmaamo gool kulaad, Neymar oo usoo istaagay ayaa shabaqa kuhubsaday inkastoo uusan ulaadin qaabkiisii ugu fiicna hadana kubada ayaa shabaqa soo taabatay, hogaanka ciyaartana waxaa sidaas ku qabtay Brazil.
Croatia ayaa laga diiday gool ay dhaliyeen, garsooraha ayaa yeeriyey seerigii kadib markii ay isku dheceen goolhayeha Brazil iyo weeraryahanka Croatia, daqiiqado kadib Julio Cesar ayaa laad kulul kabadbaadiyey Luka Modric, waqtigii dheeriga ahaa Goolhayeha reer Brazil ayaa badbaadin qatar ah sameeyay, isla kubadaas ayaa lagusoo weeraray Croatia, Oscar ayaana ciyaarta hurdo udiray isagoo guushii ugu horeesay uxaqiijiyey Brazil.
Ciyaarta ayaana kusoo dhamaatay 3-1 oo ay guusha kuraacday kooxda martigalineeso koobka adduunka, labada gool ee Neymar iyo midka danbe ee Oscar, Brazil ayaa kuxaqiijisay dhibcihii ugu horeeyay ay katirsato Croatia.
Dalka Brazil oo Garaacday Croatia, Guulna kufuratay Koobka Adduunka.
Sao Paulo ayaa daahfurtay tartanka koobka adduunka, kulankaan ayaana noqonaayo midka ugu horeeyo kulamada koobka adduunka Brazil, kooxda martida ayaa kubilaabatay iyadoo xanbaarsan fikrad inay maamusho ciyaarta.