Kooxda Manchester United Oo Guul Ay U Oomanayd Ka Gaadhay Swansea City.

0
Monday November 07, 2016 - 12:34:05 in by salman abdi
  • Visits: 941
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Manchester United Oo Guul Ay U Oomanayd Ka Gaadhay Swansea City.

    Manchester United ayaa soo af-meertay afar kulan oo aanay guul urrurinin horyaalka Premier League, kabahana la dul maray kooxda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa soo af-meertay afar kulan oo aanay guul urrurinin horyaalka Premier League, kabahana la dul maray kooxda

Swansea City, oo ay marti ugu ahaayeen garoonka Liberty Stadium.

image

United ayaa ciyaarta maamulkeeda siday doonto ka yeeshay qaybtii hore ee ciyaarta, saddex gool oo daran doori ahna gosha u galisay kooxda gurigeeda lagu ciyaarayay, kuwaas oo ay ka kala dhaliyeen Paul Pogba iyo Zlatan Ibrahimovic oo laba gool ah- kuwaas oo noqonaya goolkiisii koobaad ee horyaalka tan iyo bishii September.

Mike van der Hoorn ayaa gool u soo dhiciyey Swansea badhtamaha qaybtii dambe ee ciyaarta, laakiin kooxda United ayaan hal kubbad oo khatar ah abuurin, naadigan oo tabobareheeda manager Jose Mourinho uu kulanka ka daawanayay garoonka dushiisa kadib markii lagu ciqaabay inuu soo dhaafay xayn daabka maamulaha.

United waxay ku soo ruqaansatay kaalinta lixaad ee liiska kala saraynta, halka kooxda Swansea guuldaradani uga noqonayso, kulankii 10 aad ee aanay Premier League guul dhadhaminin, sidaas la ajligeedna kaalinta ugu hoosaysa ay ku negaatay.