Costa Rica Oo Si Xun U Garaacday Dalka Loo Sadaalinaayay Fanal Ka Ee Uruguay Una Digtay Xulalka Kale Ee Group D Ee England Iyo Italy Ka Midka Yihiin + Daawo Sawiro

0
Sunday June 15, 2014 - 08:55:43 in by Super Admin
  • Visits: 1689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Costa Rica Oo Si Xun U Garaacday Dalka Loo Sadaalinaayay Fanal Ka Ee Uruguay Una Digtay Xulalka Kale Ee Group D Ee England Iyo Italy Ka Midka Yihiin + Daawo Sawiro

    Costa Rica ayaa ka yaabsatay dunida ka dib markii ay si lama filaan ah 3-1 ugu dubteen xulka Uruguay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Costa Rica ayaa ka yaabsatay dunida ka dib markii ay si lama filaan ah 3-1 ugu dubteen xulka Uruguay


 ciyaar ka tirsaneyd Group D iyagoo guushoodii ugu horeysay abid ka gaaray xulka Uruguay.

Uruguay ayaa waxaa kulankaan ka maqnaa weeraryahankooda Luis Suarez kaasoo taam u noqon waayay inuu ku soo bilowdo. Waxaana ay ciyaarta ku bilaabatay si degan iyadoo Uruguay ay durbadiiba raadineysay inay cadaadis saarto dhigooda Costa Rica.

Xulka ku ciyaara midabka buluuga cirka u eg ee Uruguay ayaana hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 23aad markii rigoore loo dhigay taasoo ku timid qalad lagu galay daafaca Uruguay Lugano. Waxaa gool ku laadka u soo istaagay Edinson Cavani kaasoo gool u sarifay inkastoo uu goolhayaha Costa Rica ka raacay kubada.

1402777574880_lc_galleryImage_FORTALEZA_BRAZIL_JUNE_14_

Waa kulankii 7aad ee isku xigta ee Koob Adduun oo ay Uruguay shabaqa soo taabatay, waqtigoodii ugu fiicnaa waxa ay ahedy 16 kulan oo isku xigta intii u dhaxeysay 1930kii iyo 1962dii.

Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay goolkaas uu dhaliyay Cavani iyadoo Costa Rica ay si weyn isaga caabineysay Uruguay.

Bilowgii qeybta labaad Costa Rica ayaa ku dhawaatay inay barbareyso ciyaarta markii Duarte uu madax xor ah ku helay goolka isagoo u dhow laakiin goolhaye Muslera ayaa si cajiib ah kaga badbaadiyay, iyadoo Uruguay ay u muuqatay in ku adag tahay inay difaacdaan kubadaha madaxa ah.

Costa Rica ayaana barbareysay ciyaarta daqiiqadii 53aad markii kubad ay ka soo qaadeen garabka midig uu madax ku soo taabtay mid ka mid ah weeraryahanada Costa Rica, waxaana kubada helay Joel Campbell kaasoo kubad gantaal ah shabaqa dhex dhigay iyadoo Muslera uusan dhinac xitaa isku dhaqaajin, waxaana ay aheyd gool aad u fiican.


article-2657615-1EC477F100000578-357_636x482Xiddiga Arsenal amaahda uga maqnaa Campbell oo u ciyaarayay Olympiakos ayaana goolkaas uu u ahaa goolkiisii ugu horeysay ee uu abid ka dhaliyo Koobka Adduunka.

Afar daqiiqo kama soo wareegan markii Costa Rica ay hogaanka u qabatay ciyaarta iyadoo laad xor ah oo ay soo tureen uu madax si cajiib leh ugu dhaliyay Duarte, iyadoo goolhaye Muslera uu mar kale ka ahaa daawade.

Costa Rica waligood labo gool hal kulan oo Koob Adduun kama dhalin, waana rikoor u gaar ah ka dib goolkii Duarte.

Uruguay ayaana isku dayaysay inay ku soo laabato ciyaarta iyadoo Cavani kubad halis ah laga badbaadiyay, laakiin Costa Rica ayaa ciyaarta dishay iyadoo Urena oo bedel ku soo galay islamarkaana garoonka ku jiray 90 ilbiriqsi uu shabaqa soo taabtay ka dib baas uu ka helay Campbell oo ahaa xiddiga garoonka ee ciyaartii manta.

Perriera ayaana casaan toos ah ka qaatay dhamaadkii ciyaarta xulka Uruguay ka dib markii uu si ula kac ah u laaday ciyaaryahan kale.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday Costa Rica oo loo tirinayay inay tahay kooxda ugu daciifsan Group D oo ay sidoo kale ku jiraan xulalka England iyo Italy oo saacad ka dib ciyaari doona.

Costa Rica ayaana durbaba xaraarad fiican u yeeshay Group D oo markii horeba loo arkayay group-ka dhimashada.




Afkashacabka.com / Cayaaraha

Contact@afkashacabka.com