Side Qoys Adag Ku Abuuri Kartaa??? W/Q: Mustafe Shaybe

0
Monday June 16, 2014 - 10:56:32 in by Super Admin
  • Visits: 3470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Side Qoys Adag Ku Abuuri Kartaa??? W/Q: Mustafe Shaybe

    Waxaan qalinka u qaatay ee aan damcay inaan faaleeya waa mawduuc aad u gudo balaadhan in badan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan qalinka u qaatay ee aan damcay inaan faaleeya waa mawduuc aad u gudo balaadhan in badan

waxaan akhriyay mawduucyo ku saabsan Arimaha Ijtimaaciga ah Ee Nolosha Lamanaha Xalashada isku Guursada. Waxaan inbadan dareemay oo aan Ogaaday inaan Nolosha macaankeeda Dadka somaliladu Aqon u lahayn intooda badani, qaarkoodna ayba ceeb u yaqanan Jacylka iyo Isku Dhibirsanaanta labada Ruux ee is qaba.

waxa sida leebka igaga ganan wadanaha badhtankiisa,iguna haya dhib baaxad weyn oo qalbigaga ku soo noqnoqonaysa marar badana aan is waydiiyaa.Maxay somalidu Ubaran wayday Nolosha macaankeeda? Maxay Guryaha somaliyeed intada badan u yihin Qaar Buuq iyo qaylo ka dhex yeedhayso?Qisadan aan qalinka u Qaatay ee aan ugu magac daray (Sidee Qoys Adag ku Abuuri Kartaa.)?Waxaaigu kalifay markaan in badan u kuur galay nolosha lamaanaha somaliyeed ay ku noolyihin, Markaan inbadan Darsay ee aan Xogwaraysi iyo Sheeko la wadagay Qaybaha Bolshada ee kala duwan. Waxaa ii soo baxay inay somalida ban keedu ka qatan tahay nolosha macaan ee lamahana xalaasha isku qaba.

Somalidu waxay ku maah-maahdaa (Biyo meel godan bay is kugu Goraraan) halkay u dhimatay ee dhibta ugu weyni ka jirto hadaan farta ku godo waxay tahay Dadkeena oo aan qoonba u lahayn, Sida loo wadaago nolol farax iyo kal gacal ku dheehan yahay.Inta Aqoonta u leh Jacaylka iyo Nolosha fiicana waxaa ka soo horeeya iska caabin,Ad adayg iyo dhaqanka somalida oo ah dhaqan waxooga yara Adag oo aad moodo inay ku adagtahay inuu la jaan qaado nolosha casriga ah.

ØSomalida Dadbadan oo ka mida way jecel yihin nolol fiican oo jacayl ku dhisan oo raaxo leh inay ku noolaadaan hadana ma fahansana siday ku heli lahaayeen.Qaar badan oo kaba mida dadka somaliyeed waxayba ceeb u yaqanan Hebal ama Heblaayo ninkeeda ama gabadhiisa wuu jeclyahay cajiiiiiiiiiib siday ku helayaan nolo macan oo fiican dadka sidaa u fikarayaa?Arintani waa dhib aad u weyn oo ku baahaday wadankeena ama gayiga soomaaliyeed oo dhan.

ØDadadbadan ayaa waxay ceeb u yaqanaan inay ka soo baxaan waajib kooda nolosha, wuxuu ceeb u yaqaanaa gabadhiisa wuu jeclyahay, waxay ceeeb u taqanaa ninkeeda way maqashaa oo way ka amarqadataa.

ØWuxuu ceeb u yaqanaa/waxay ceeb u taqanalamanahaga u naxariiso oo kula hadal ereyo macaan sida xbbi,gacaliye/so/mcn/qaali/noloshaydii iwm

ØFidmo waa badan tahee dadbaa jira haday arkaan nin xaaskiisa jecel oo la shaqeeya markuu joogo guri odhanaya way falatay waa mid dhaan-dhaana oo gabadha ayuunbuu hoosta kaga jiraa oo guriga kama baxo cajiib.cajiib,cajiib..

ØBalaayo looma taag helee Dadbaa jira haday arkaan lamaane nolosha isla helay oo ay isugu duba dhacday jacaylna ku bineeyay gurigooda u hawl-galaya labadaa qofisku dirkooda iyo kala kaxayntooda, cajiib.cajiib.cajiib.cajiib,,

Ma xuma dhalintu inay iyaga oo da,yar is guursadaan waxaase muhiim ah inay ogaadan oo ay ka fikraan nolosha ay galayaan oo ahnoloshoodii mustaqbalka ugu yaraana waa 60sano noloshay ku nolaan lahaayeen waxaa loo bahan yahay inay aqoon fiican u lee yihinsida loo dhiso nololkalgacal iyo farxad ku waarta, iyo inay aqoon u yeeshaan sida laba ruux u wada noladaan ee ay guri u wadaagaan.

Waxaan isku dayi doonaa inaan soo bandhigo qodobo aan u arko inay dhalinyarada ka saacidayaan inay noqdaan qaar ku waara nolosha oo farxad ku dhamaysta, waa hadii siday u qoran yihiin loo Raaco oo loo dabaqo. waxayna u kala horayeean sidan

ØQodobada Ninku Ku Kasban Karo Qalbiga Xaaskiisa :-

Qodoadan ayaa looga baahan yahay Ninku inuu kula dhaqomo xaaskiisa si uu qalbigeeda u hanto una noqdo mid ku guulayska nolosha xaaskiisa,si ay ugu wada nooladaan nolo farxad leh. Una noqdaan lamaane isku faraxsan.

  1. Alle kacabso, oo wuxuu ku amrayoo dhana waa inaad la timaadaa
  2. Ku dadaal in aad Noqto qof ku xidhin Diinta Kuna Dhaqma Diinta.
  3. Gurigaaga markaad soo gashid si kal-gacal iyo jacayl ku dheehan yahay waa inaadsalaanta islaamka ugu salaantaa xaaskaaga iyo Ehelkaga Jooga Guriga.
  4. Xaaskaagu markastoo ay kusoo fiiriso u dhoolacadee, Habnasii markaad magaalada ka timaado xaas kaga ee aad guriga Timaado.
  5. Xaaskaaga ugu yeedh magacyo quruxoon oo qalbiga soo jiidnaya tusaale waain aad ugu yeedhaaxbbi /gacaliso.mcn,Qaaali Iwm
  6. Xaaskaaga howsha guriga waa inaadan ku Eeginwaa inaad la qabataa sida in aadugu yaraan qaado weelkaad ku cuntaysay .
  7. Xaaskaaga ka ilaali waxyaalaha aynecebtay, sidaMuraanka iyo hadalka Qalafsan.
  8. Ka ilaali xaaskaaga in aad gabdho aad xidhiidh hore la lahaan jirtay aad uga sheekayso xidhiidh kiinii siduu ahaanjiray.
  9. U sheekee xaaskaaga mar kastoo aad Suuqa ama shaqada ka timaado hadii aadan dalanyn xiliyada firaaqada aad lee dahay.
  10. Iskuday habeen walba in aad xaaskaaga u sheekayso Uguyaraan halsaac Sheeko macaan oo qalbigeeda soo jiidadata.
  11. Xaaskaagu hakaahesho xaqeeda gogasha si joogta ah markastood cafimaad qabto
  12. Waa inaad xidhiidhisaaxaaskaaga dadkay jeceshahay, sida hooyadeed, iyo qaraabadeeda.
  13. Xaaskaaga aad ugu naxariiso markay uurka leedahay iyo markay umusha tahay, aadna ula jog oo ugu shaqee xaaskaga.
  14. Xaaskaaga isku day in aad maalin maalin hadiyad u keento oo aad kaga farxiso.
  15. Xaaskaaga isku qurxi markaad guriga la joogto si aad qalbigeed u farax geliso.
  16. Xaaskaaga u gacan furnow oo iska ilaali Bakhaylnimada ogow oo waxay taasi keentaa hoos u dhac ku yimaadajacaylkii xaaskaagu kuu qabtay haday kaa dareento Gacan adayg xaaskaagu.

17.Xaaskaaguyanay kuu arkin qof nafeeda uun ku duulimaada xiliga gogosha ee hakuu aragto ruux danaynaya oo jecel La noolaanshaheeda.

18.Waa inaad xaas kaaga jeclaysiisa inay iyada oo kugu faraxsan kuu raacdo go-gosha oo ku rabta.

19.Xiliyada qaar waa inaad xaskaaga iyo caruurta u yara saarta Dalxiis iyo indho Doogsi .

20.Noqo nin xaaskiisa ka dhigta Xoghayihiisa Kobaad hana isku dayin inaad xaaskaga ka sir qarsatowaa inaad la tashataa oo aad u sheegtaa wax alle waxaad rabto inaa samayso .

 

 

Qodobada Gabadhu ku Hanan karto Qalbiga Saygeeda.

Qodoadan ayaa looga baahan yahay Gabadhu inuu kula dhaqomo Ninkeeda si uu qalbigiisa u hanto una noqoto mid ku guulaysata nolosha Ninkeeda,si ay ugu wada nooladaan nolo farxad leh. Una noqdaan lamaane isku faraxsan.

  1. Alle kacabso, oo wuxuu ku amrayoo dhana waa inaad la timaadaa oo aad samaysaa.
  2. Sunada nabigeenaSuubaneemuxamad (scw) waa inaadqabsataa oo aad racdaa.
  3. Waa inaad iska ilaali xanta, cayda, isku dirka, iyo cawradaada oo aad muujisomarka aad banaanka u baxaysid.
  4. Noqo gabadh xishoota oo aan ninkeeda aan afka ku soo taagin oo xurmeysa saygeeda,
  5. Nadaafada iyogurigaba waa inaadilaalisaa, markasta oo ninkaagu imaanayo ha arkomeel qurxoon.oo indhaho soo jiidasho leh…
  6. Aad isku carfi oo isku udgoonee, markastoo aad ninkaag la sheekaysanayso ama aad is arkaysan si aad qalbigisa u farxad geliso.
  7. Markasta oo uu ninkaagu kuu baahdo waa in aad diyaar tahay, hadii shaqaynayso iyo hadaadhurdana kakac.waliga mayaa ha ku dhan.cudur daar aan muhiim ahayna ka illaali.
  8. Waa inaad xidhiidhisaa ninkaaga qaraabadiisa, siiba hooyadii iyo aabihii..
  9. Markasta u dhoolacadee ninkaaga,Farxad iyo wanag kula jog oo u muuji sidaad ugu farax satahay inaad nolol la wadaagto saygaaga..
  10. Ninkaaga u muuji dulqaadiyo samir badan. mar walbana dhageyso ninkagaa oo maqal.
  11. Masayrka aadan hubin iska ilaali iskuna day inaad wax Hubsato(Hubsiimaa hal la siistaaye)
  12. Markaad ninkaaga wax uga bahan tahay sii jaanis oo isaga oo dagan u bandhigo waxaad uga baahan tahay saygaaga.
  13. Guriga ninkaaga ha keenin cid aanu ka raali ahayn haday taasi dhacdo waxay dhaawac weyn ku keenaysaa noloshiina iyo kalsoonidii aad isku qabteen..
  14. Gurigaaga joog oo amar la,aan haka bixin hadaad baxaysana ninaaga ka amar qaado..
  15. Ninkaaga hadiyado u keen, sida in aad u soo iibisowax yalaha uu jecelyahay.
  16. Ninkaaga haduu faqiir yahay, wax keenta ka ilaali arintaas qalbigiisa wax bay u dhimaysaa waxayna ku keeni kartaa Niayad jab
  17. Iska ilaali in aad la kaliyowdo niman kale, Muxriim la,aan.
  18. Ka ilaali ninkaagu wax walba oouu necebyahay, sidaa hadalka badan marka uushaqada ka yimado ama uu daalanyahay.
  19. Mar kasta ninkaaga I cafi ku dheh una sheeg in aad jeceshay si aad qalbigiisa gacantada ugu dhigto…
  20. Noqo Gabadha ninkeeda Garab tagan oo talo iyo tusaalaba ku birisa waxaad ogataa Xigmadii ahyad (Ninkastoo Heer gaadha Gabadh wacan ayaa gaadhsiisa.



NB:-Wixii ceebala ama talo ah waxaad ku soo gudbinaysaan idinkoo mahadsan Ciwaankan hoos ku xusan:




Diiriye331@gmail.com

W/Q/Mustafa Ahmed Deria (sheybe)

Egypt= Cairo