Gabriell Paulista OO Ilmada Ceshan Waayay Xiligii Lagu Jiray Daqiiqadii Aamusnaanta Ee "CHAPE" Xili Real Madrid, Manchester United Iyo PSG Tacsi Direen Xalay
71 qofood ayaa kunaf waayay shilkaas waxayna kala ahaayeen ciyaartooy, maclaimiin, maamulka kooxda, shaqaalo caafimaad iyo saxafiyeen u badnaa ree Brazil waxaana tacsi u diray dhamaan kooxaha qaaradaha yurub, Afrika, America, Asia iyo Australia waxaana kulamadii xalay laga ciyaaray yurub lagu muujiyay fariinta dhiirogelinta ah ee "Force Chape”.
Arsenal, Southampton, Manchester United iyoWest Ham ayaa aha kooxihii ingiriiska ahaa ee xalay ciyaaray ee u muujiyay muragada kooxda baaba’day iyadoo United ay horay u aragtay musiibo lamid ah mida haatan heysata kooxdaan ree Brazil eeChapecoense markii ay diyaar kula dhacday magaalada Munchen ee dalka Germany.
Sidoo kalePSG, Angers, Real Madrid iyoCultural Leonesa ayaa iyana muujiyay sida ay uga xun yihiin dhibaatadan iyadoo kooxda PSG ay xalay u ciyaarayeen afar ciyaartooy oo Brazil u dhashay waxayna jamaahiirtooda soo qaateen calanka Brazil iyo boor weyn oo ay ku qorneyd "‘Força Chape'”.
Xidigaha Real Madrid ayaa iyana maaliyadooda ka kor xirnaa finaad ay ku qoran tahay "Todas SomosChapecoense” oo la macno ah "Dhamaanteen waxaan nahayChapecoense”.
Gabriel ayaa dadka dhamaaday ee ay isku wadanka yihiin u dareemay si xanuun ah iyadoo kaamirooyinka ay qabteen indhihiisa oo ay ilmo ka daadanayaan.
Gabriell Paulista OO Ilmada Ceshan Waayay Xiligii Lagu Jiray Daqiiqadii Aamusnaanta Ee "CHAPE" Xili Real Madrid, Manchester United Iyo PSG Tacsi Direen Xalay
Daafaca Arsenal ee Gabreil ayaa ilmada ceshan waayay xiligii lagu guda jiray daqiiqadii aamusnaanta aheyd ee ay kooxaha Arsenal iyo Southampton u sameynayeen dadkii ku dhamaaday diyaaradii ay musiibada ku habsatay ee ku dhacday dalka Colombia. gab