
Arsene Wenger Oo Ogol In Vermaelen Uu Ku Biiro Man United Lakiin Waa Haddii…!!
Shalay ayaa lashaaciyay in Vermaelen uu heshiis shaqsi ah lagaaray kooxda Man United lakiin tababaraha Arsenal ayaa ..
Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa doonaya inuu ka iibiyo kooxda Man United kabtan kiisa Thomas Vermaelen lakiin waa hadii uu helayo Tom Cleverley iyo Chris Smalling.
Daily Mail ayaa sheegaysa in tababare Wenger uu ogolyahay inuu iska fasaxo kabtan Vermaelen kaas oo boos joogto ah ka waayay kooxda xili ciyaareed kii soo dhamaaday lakiin Wenger ayaa United hor dhigaya shuruud adag oo uu ku doonayo Cleverly iyo Smalling.
Dhanka kale Daily Mirror ayaa dhankeeda shaacisay in tababaraha Arsenal uu doonayo in labada kooxood ay is dhaafsadaan Vermaelen iyo Luis Nani.
Shalay ayaa lashaaciyay in Vermaelen uu heshiis shaqsi ah lagaaray kooxda Man United lakiin tababaraha Arsenal ayaa doonaya inuu ka faa,idaysto xiisaha ay United u hayso kabtan kiisa isaoo doonaya ugu yaraan inuu isku helo laacib iyo lacag.
Afkashacabka.com / Cayaaraha
Contact@afkashacabka.com
Arsene Wenger Oo Ogol In Vermaelen Uu Ku Biiro Man United Lakiin Waa Haddii…!!
Shalay ayaa lashaaciyay in Vermaelen uu heshiis shaqsi ah lagaaray kooxda Man United lakiin tababaraha Arsenal ayaa ..