Macalimiinta Loo Saadaalinayo Inay Del Bosque Ka Badalaan Shaqada Xulka Spain iyo Taagerayal Bilaa Tigidh ahaa oo Jabsaday Gaydhkii Garoonka Brazil

0
Friday June 20, 2014 - 12:33:47 in by Burco Office
  • Visits: 1334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalimiinta Loo Saadaalinayo Inay Del Bosque Ka Badalaan Shaqada Xulka Spain iyo Taagerayal Bilaa Tigidh ahaa oo Jabsaday Gaydhkii Garoonka Brazil

    Shaqada tababaraha xulka qaranka Spain Vicente del Bosque ayaa mugdi lagaliyay kadib markii xulka qaranka Spain uu si fudud uga hadhay koobka adduunka 2014.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqada tababaraha xulka qaranka Spain Vicente del Bosque ayaa mugdi lagaliyay kadib markii xulka qaranka Spain uu si fudud uga hadhay koobka adduunka 2014.


Guul daro 5-1 ah oo ka soo gaadhay xulka qaranka Holland iyo guul daro labaad oo ka soo gaadhay xulka Chile ayaa keentay in shaqada Vicente del Bosque mugdi lagaliyo waxaana la sheegay in xidhiidhka kubadda cagta Spain uu ku fikiraayo tababaraha kooxda Bayern Munich Pep Guardiola lakiin waxay ogyihiin inay adkaan doonto in Guardiola uu qabto shaqada xulka qaranka Spain dhawaantan.

Saxaafada Spain ayaa shaacisay magacyada seddex tababare oo lafilayo inay shaqada kabadalaan tababare Del Bosque waxaana hogaaminaya tababaraha reer Spain ee kooxda Everton Roberto Martínez kaas oo hogaaminaya tababarayaasha ay ku fikirayaan xidhiidhka kubada cagta Spain inay u magacaabaan tababaraha xulka qaranka.

Waxaa booska labaad ku jira tababaraha kooxda Sevilla Unai Emery kaas oo Europa League u qaaday kooxdiisa xili ciyaareed kii soo dhamaaday.

Tababaraha 3aad waa tababaraha kooxda Atletico Bilbao Ernesto Valverde kaas oo iska diiday inuu tababare u noqdo kooxda Barcelona.

85 Taageere Oo U Dhashay Dalka Chile Oo Bilaa Tigidhaan Ahaa Ayaa Loo Qabtay inay 72 Sacadood Brasil Kaga baxaan

Boliiska Brasil ayaa siiyay 72 saacadood oo ay wadanka kaga baxaan 85 taageere oo u dhashay wadanka Chile kuwaas oo u soo dhacay garoonka mracana ee ay ka socotay kulankii Chile ay Spain kaga reebtay koobka aduunka.

Taageerayaal badan ayaa jabiyay gaytka ilaalada ee garoonka iyagoo qasabku soo jiidhay booliiska booliiska ayaa markii danbe xidh xidhay jamaahiirtan iyagoo ugu danabayn u qabtay waqti kama danbayn ah inay wadanka kaga baxaan.

ch

War ay soo saareen boolisku ayaa sidan lagu sheegay : "Haddi ayna jamaahiirta Chile u hogaansamin digniintan loo diray oo ah inay 72 saacadood wadanka kaga baxaan waxay la kulmidoonaan xeerka ciqaabta ee soo galaytiga ee Brasil u yaala”.

Sidoo kale FIFA ayaa sheegtay inuuna qof taageerayaasha soo dhacay ka mid ahi aanu gaadhin goobta ciyaarta laga daawado waxayna sheegeen in aan loo dulqaadan karin rabshada noocan oo kale ah.

Fifa ayaa barteeda twitterka ku sheegtay sidan : "Kulankii Chile iyo Spain ee ka dhacayay Maracana waxaa jiray kooxda aan sidan tigaadhta ciyaarta ayaa si qasab ah oo rabshadleh ku soo galay garoonka. Waxay dumiyeen gidaarka waxayna qasab ku soo jiidheen booliska ilaalada intii ayna boolisku qaban laakiin mid ka mid ahina muu ku fadhisan kursiga daawashada ciyaarta. Ururku wuxuu dhaleecaynayaa rabshada noocan oo kale ah”.

Sabtidii hore ayaa tiro taageerayaala oo u dhashay Argentina oo lagu qiyaasay 30 oo bilaa tigaadha ayaa ciyaarta ka daawanayay gidaarka sare iyagoo markii danbena soo galay garoonka kadibna sidaa ayaa lagu xidh xidhay .

Diego Maradona: Neymar Wuu Guuldaraystay Kulankii Mexico

Diego Maradona ayaa aaminsan in xidiga Brasil Neymar uu guuldarystay kulankii ay Mexico bar bar dhaca ku qabatay xulka marti galinaaya koobka aduunka ee Brasil. Wuxuuna intaa raaciyay Maradona in ayna Brasil ku tiirsanaan 22 jirkan waxa wayn laga filayay.

Inkasta oo uu Neymar laba gool ka dhaliyay kulankii furitaanka ee Croatia haddana waxaan u suurto galin inuu wax gool ah ka dhaliyo kulankii Mexico wuxuuna sidoo kale ku guuldaraystay inuu saamayn muuqata oo xulkiisa guul gaadhiisa aanu ku samayn kulankan.

Maradona oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: "Neymar oo qaab cusub u soo xiirtay ayaa ku guuldaraystay inuu Brasil guul gaadhsiiyo kulankii Mexico. Isagu waa rajada Brasil si ay ugu guulaystaan markii 6 aad koobka aduunka.

"Laakiin Brasil may muujin inay yihiin musharaxa koobka aduunka waxayna aad ugu tiirsan yihiin Neymar, markasta oo ay la ciyaaraan koox habaysan oo sidan oo kale ah waxay wajahayaan dhibaatadan oo kale.

"Brasil waxay u baahanayd guul si ay u xaqiijiso inay u gudubtay wareega 16 ka kooxood laakiin goolwalaha Mexico Guillermo Ochoa ayaa saddexda dhibcood u diiday. Mexico waxay isku difaacday ciyaartoy dhawr ah manay siin Brasil fursad ay wax gool ah ku dhaliyaan.

Maradona ayaa sidoo kale dhaleecayn usoo jeediyay Ramires kaas oo qaatay booskii Hulk wuxuuna sheegay in akhlaaq xumada xidiga Chelsea ay qarisay inuu ka mid noqdo lineupka Scolari.

"Hulk wuu dhaawacnaa taasina waxay fursad siisay Ramires laakiin wuxuu kaadhka huruuda ah qaatay intii ka horaysay qabtii hore ee ciyaarta taasina waxay fariin udirtay Scolari waxayna ku kaliftay inuu ciyaarta ka saaro.







Afkashacabka.com / Sports
Contact@afkashacabka.com