Kooxaha Yurub Oo Diiday In La Balaariyo Koobka Adduunka.

0
Friday December 16, 2016 - 09:08:05 in by Burco Office
  • Visits: 999
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxaha Yurub Oo Diiday In La Balaariyo Koobka Adduunka.

    Ururka matala kooxaha waa weyn ee Yurub ayaa diiday talo soo jeedinta ah in la balaariyo Koobka Adduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka matala kooxaha waa weyn ee Yurub ayaa diiday talo soo jeedinta ah in la balaariyo Koobka Adduunka.

Horaantii bishaan, madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa soo jeediyay in 48 kooxood laga dhigo Koobka Adduunka oo la sameeyo 16 group oo min seddex wadan ka kooban.

 

"Waxaan ugu baaqeynaa FIFA inaysan kordhinin xulalka ka qeyb qaadanaya Koobka Adduunka” ayuu yiri gudoomiyaha ECA Karl-Heinz Rummenigge.


Guddiga FIFA ayaa ka arinsan doona soo jeedinta Infantino marka ay kulmaan 9ka bisha Janaayo laakiin 46 jirkaan ayaa ololihiisa doorashada madaxtinimada FFA waxaa qeyb ka aheyd qorshaha balaarnta Koobka Adduun si loogu ogolaado inay wadamo badan ka qeyb qaataan dhacdada ugu weyn isboortiga caalamka.

Markii ugu danbeysay ee la kordhiyo tirada xulalka ka qeyb galaya Koobka Adduunka waxa ay aheyd 1998dii markaasoo tiradii 24ka laga dhigay 32 wadan laakiin isbedel kasta oo lagu sameeyo nidaamka haatan ma dhaqangeli doono ka hor Koobka Adduunka ee 2026.