Hordhaca Ciyaarta Caawa :AC Milan vs Atletico Madrid
Kooxaha ay kala wataan tababarayaasha Holland iyo Argentine Clarence Seedorf iyo Diego Simeone ayaa ku kulmaya koobka horyaallada qaaradda Yurub ee Champions league.
Xiddigaha ka maqan Milan: Bryan
Cristante, Daniele Bonera, Valter Birsa, Urby Emanuelson, Stephan El
Shaarawy, Robinho, Keisuke Honda, Riccardo Montolivo iyo Sulley Ali
Muntari.
Xiddigaha ka maqan Atletic Madrid: Tiago, Javier Manquillo iyo Filipe Luis Kasmirski
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
Kani waa kulankii ugu horreeyay ee dhexmara kooxahan AC Milan iyo Atletico Madrid.
Milan rikoor fiican kama heysato marka ay la ciyaarayaan kooxaha Spain ka socda.
AC Milan ayaa badisay kaliya halmar
13-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Champions league
kooxaha Spain ka soo jeeda, lix jeer waa laga badiyay, lix kalena
barbaro ayey la gashay, guushii ugu dambeysay oo ay ka gaartay koox
Spain ah waxaa ay aheyd Barcelona oo 2-0 ay ugu badisay bishii February
2013.
Atletico Madrid ayaa guul gaartay
dhammaan saddexdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay kooxaha
Italia ka soo jeeda dhammaan tartamada oo dhan, siddeed goolna waa ay ka
dhalisay.
AC Milan ayaa u soo baxaysay wareeggan 16-ka afar ka mid ah shantii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay Champions league.
Milan ayaa guul gaartay kaliya labo
jeer 12-kii kulan ee isreeb reebka Champions league, saddex barbaro ayey
gashay, waxaase laga badiyay 7 jeer.
Waa markii saddexaad oo qura in
Atletico Madrid taariikhda ay soo gaarto wareegga wijigan kala harka ah
kaddib sanadkii 1996/97 oo ay gaartay wareegga siddeed dhammaadka iyo
2008/09 oo ay soo gaartay wareegga 16-ka.
Atletico Madrid ayaa ka mid ah saddex
koox oo aan ilaa iyo haatan laga badin xagaagan Champions league, waxaa
rikoorkaas la wadaaga Manchester Utd iyo Real Madrid.
Midna loogama dhalin AC Milan
garoonkeeda San Siro wax ka badan labo gool siddeedii ciyaar ee ugu
dambeeyay Champions league, shan ka mid ah ayaa ku dhammaaday barbaro.
Mario Balotelli ayaa dhaliyay toddobo
gool 27-kulan ee ugu dambeeyay uu ciyaaray Champions league, saddex ka
mid ah waxa ay goolashaas ahaayeen rigoore.
Diego Costa ayaa dhaliyay afar gool saddexdii ciyaar ee ugu dambeeyay uu ciyaaray Champions league.
Atletico Madrid ayaa badisay saddex jeer siddeed mar oo ay booqatay Italia.
Tababaraha AC Milan Clarence Seedorf
ayaa siweyn looga garanayaa Champions league, maxaa yeelay isagoo
ciyaaryahan ayuu koobkan ku guuleystay afar jeer isagoo ka tirsanaa
saddex koox oo kala duwan, haatan kulankiisii ugu horreeyay ayuu ka soo
muuqan doonaa tartankan isagoo macallin ah.
Ciyaaryahankii hore ee reer Dutch ayaa laga badiyay labo jeer lix kulan oo isagoo macallin ah uu waday Rossoneri.
Keisuke Honda ayaan u ciyaari doonin
kulankan AC Milan maadaama uu horay ugu soo ciyaaray tartankan kooxda
CSKA Moscow laakiin Essien iyo Taarabt ayaa u safanaya kulamadoodii ugu
horeeyay ee Champions league.
Milan waxaa ka ganaaxan labo xiddig oo muhiim ah kulankan waana Riccardo Montolivo iyo Sulley Ali Muntari.
Ogeysiiska ciyaarta:-
Kulanka: AC Milan vs Atletico Madrid
Garoonka: San Siro
Garsooraha: Pedro Proenca
Tartanka: Wareegga 16-ka Champions league
Taariikhda: 19/02/2014
Saacadda: 10:45 habeenimo geeska Africa
Maalinta: Arbaco
Safka macquulka ee kulankan:-
Milan: Abbiati; Zaccardo, Rami, Constant, De Sciglio; De Jong, Essien; Taarabt, Kaka, Pazzini; Balotelli.
Atletico: Courtois; Juanfran, Miranda, Godin, Insua; Gabi, Suarez, Koke, Turan; Villa, Diego Costa.
Diyaariye:Adnaan Shawahaaye
Afka Shacabka , Holland
Hordhaca Ciyaarta Caawa :AC Milan vs Atletico Madrid
Kooxaha ay kala wataan tababarayaasha Holland iyo Argentine Clarence Seedorf iyo Diego Simeone ayaa ku kulmaya koobka horyaallada qaaradda Yurub ee Champions league.