ENGLAND Oo Ka Kolayaysanaysa Dalka Brazil Iyo Kooxda COSTARICA Oo Si Xeeladaysan U Garaacay ITALIA
Kooxda dalka Costa Rica kaga qaybgaleysa tartamada ciyaaraha kooba adduunka ayaa guul la yaab leh gaaray kadib markii ay garaaceen Taliyaaniga, oo ay ku tumeen 1 - 0
Guushaasi Ayaana muujineysa in England ay bannaanka ka tahay tartamada oo aysan ka sii qeybgali doonin.
England oo labadeedii kullan ee ugu horeeyay laga badiyay waxay u baahneyd inay Italy badiso si ay usii noolaato, balse kubad uu soo laalay Diaz oo uu madaxa ku dhaliyay ciyaaryahan Bryan Ruiz ayaa Costa Rica u suurta gelisay inay halka gool iyo waxba ay kaga badiyaan Taliyaaniga.
Ciyaaryahanka Taliyaaniga ee Mario Balotelli ayaa kooxdiisa ka qasaariyay fursad aad muhiim u ahayd si xittaa ay barbardhac u galaan.
Costa Rica, ayaa hadda hubsatay inay u gudubtay weraagga 16 ka koox si ay u sii adkeysato loolankeeda ay ku raadineyso helidda koobka.
Afkashacabka.com / Cayaaraha
Contact@afkashacabka.com