Shaki La'aan Sergio Ramos Ayaa Ah Xidiga Aduunka Ugu Fiican.
ee la siiyo xidiga aduunka ugu fiican dhawaan ku guulaystay xidiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo balse miyuu Sergio Ramos yahay xidiga ugu fiican aduunka?.
Difaaca ree France iyo kooxda Sevilla ee Adil Rami oo la hadlayay Eurosport ayaa la waydiiyay in uu soo xusho xidiga aduunka ugu fiican wuxuuna yidhi:” Shaki lahaan Sergio Ramos. Aniga ahaan waxa uu Ramos ii yahay kan aduunka ugu fiican.Waa wax qurux badan in la daawado isaga oo ciyaaraya. Wuu deg deg badan yahay oo wax badan ku soo kodhiyaa weerarka”.
Sergio Ramos iyoAdil Rami ayaa horyaalka La Ligaha iskaga hor iman doona January 15,2017 iyada oo kooxaha Real Madrid iyo Sevilla ay kulan adag iskaga hor iman doonaan. Sevilla ayaa xili ciyaareedkan ku jirta xaalad aad u fiican.Sergio Ramos ayaa Real Madrid labadii kulan ee ugu danbeeyay La Ligaha goolal muhiim ah udhaliyay waqtiga dhamaadka ciyaarta.
Shaki La'aan Sergio Ramos Ayaa Ah Xidiga Aduunka Ugu Fiican.
Dadwaynaha kubbada cagta aduunka ayaa ku qaybsan qofka uu yahay xidiga aduunka ugu fiicani, waxaana abaal marinta Ballon d'Orka