War Deg Deg Xog Culus:Dallada SONSAF Oo lagu Eedeeyay Inay Taageerto Xisbiga KULMIYE Ah

0
Tuesday December 20, 2016 - 19:49:55 in by salman abdi
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Xog Culus:Dallada SONSAF Oo lagu Eedeeyay Inay Taageerto Xisbiga KULMIYE Ah

    Guddoomiyaha Garabka dhalinyarada xisbiga Mucaaridka ee Waddani ayaa sheegay inay kalsoonidii kala noqdeen dallada ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Garabka dhalinyarada xisbiga Mucaaridka ee Waddani ayaa sheegay inay kalsoonidii kala noqdeen dallada ay

 ku bahoobeen ururada aan dawliga aheyn ee SONSAF.


Maxamed Sidiiq Dhame oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa waxaa dallada SONSAF ku eedeeyay in ka baxday dhexdhexaadnimadii ay bulshada u matalaysa maaddaama xubno katirsan hoggaan sare ee daladaasi ka tirsan yihiin xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye.

Waxaa uu sheegay in masuul ka mida xubnaha sare ee dalladaasi oo lagu magacaabo Xuseen Ibraahim Buuni oo maalintii shalay ka qaybgalay shirkii dhalinyarada ee Xisbiga Kulmiye islamarkaana uu ahaa Masuulkii akhriyey war murtiyeedkii kasoo baxay Shirkaasi, ay muujinayso sida dallada SONSAF ugu milantay Xisbiga Kulmiye.

"Arrinkani maaha mid la aqbali karo waxaa uu mugdi galinayaa dhex dhexaadnimada SONSAF, Xisbiga Waddani waxaa uu u arkaa in dallada SONSAF ay dhinac u leexatay oo ay Kulmiye matalaysoā€¯ayuu Yidhi Maxamed Sidiiq Dhame Waxaanu intaasi ku daray "Xisbiga Waddani waxaa uu kalsoonidii dhexdhexaadnimo kala noqondoonaa Dallada SONSAF, Waxaanu warqad u qori doonaa Dawladaha Somaliland ka taageera Doorashooyinkaā€¯

Dallada SONSAF waa ururka jillayaasha ururada aan dawliga aheyn kuwaasi oo ka dhex shaqeeya Bulshada, dawlada, Xisbiyada iyo haayadaha Caalamiga ah.