Liiska Kala Saraynta Horyaalka Premier Leaque-ga Ee Sanadkan 2016 Iyo Koox Kastaaba Dhibcihii Ay Ka Heshay

0
Thursday December 22, 2016 - 13:54:25 in by Burco Office
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liiska Kala Saraynta Horyaalka Premier Leaque-ga Ee Sanadkan 2016 Iyo Koox Kastaaba Dhibcihii Ay Ka Heshay

    Sanadkastaaba waxa uu kulmiyaa laba xili ciyaareed laakiin haddii si gaar ah loo xisaabiyo kulamadii la ciyaaray sanadkan 2016 oo kaliya ee horyaalka Premier Leaque-ga iyo dhibcihii ay kooxuhu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanadkastaaba waxa uu kulmiyaa laba xili ciyaareed laakiin haddii si gaar ah loo xisaabiyo kulamadii la ciyaaray sanadkan 2016 oo kaliya ee horyaalka Premier Leaque-ga iyo dhibcihii ay kooxuhu

 ka heleen ayuu soo baxayaa miis kala sarayneed oo ka duwan kan hadda ee Premier Leaque-ga iyo waliba miiskii kala saraynta ee xili cyaareedkii h–e.


Xili ciyaareedkan Premier Leaque-ga ayaa bilawda Bisha August ee sanad kasta taas oo la micno ah in xili ciyaareed kastaaba uu isku keeno labada sano ee isku xiga. Tusaale ahaan sanadkan 2016 ayay kooxaha Premier Leaque-gu ka ciyaareen 36 kulan iyada oo 17 kulan oo ka mid ahi ay xili ciyaareedkan yihiin isla markaana ay 19 kulan oo kale yihiin xili ciyaareedkii h–e. Haddaba kooxahee dhibcaha ugu badan ka helayhoryaalka Premier Leaque-ga marka si gaar ah loo xisaabiyo kulamadii ilaa hadda laga soo ciyaaray sanadkan?.

Haddii uu maanta horyaalka Premier Leaque-gu dhamaan lahaa isla markaana uu soo bilaami lahaa January 2016, waxaa koobka horyaalka ku guulaysan lahayd Chelsea. Chelsea ayaa dhamaadkii xili ciyaareedkii h–e iyo bilawga xilli ciyaareedkan oo wada ah sanadkan 2016 soo ciyaartay 36 kulan waxayna ka soo heshay 73 dhibcood. 21 kulan ayay soo guulaysteen, 10 barbaro ah iyo 5 guuldaro.

Tottenham ayaa kaalinta labaad ku jirta waxayna haysataaa 68 dhibcood, 19 guulood, 11 kulan oo barbaro ah iyo waliba lix kulan oo ay soo guuldaraysatay.Liverpool ayaa ah kooxda saddexaad ee sanadkan 2016 dhibcaha ugu badan soo heshay waxayna Reds 36 kulan ka soo heshay 67 dhibcood iyada oo 19 guulood, 10 barbaro iyo 7 guuldaro soo heshay.

Arsenal ayaa kaalinta afraad ku dhamaysan lahayd haddii horyaalka Premier Leauque soo bilaami lahaa January 2016 isla markaana uu maanta dhamaan lahaa,w axayna Gunners 36 kulan ka soo heshay 18 guulood, 12 barbaro ah iyo lix guuldaro waxayna soo urursatay 66 dhibcood, waxayna isku mid yihiin Manchester City laakiin Gunners ayaa kaalinta afraad ugu jirta farqiga goolsha oo ay haysato 33 gool halka Man City ay farqiga goolasha kaalinta shanaad ugu jirto 29 gool. Sidoo kale Man United ayaa la dhibco ah Arsenal iyo Man City waxayna kaalinta lixaad ugu jirtaa farqiga goolasha oo ah 15.

MIISKA KALA SARAYNTA PREMIER LEAQUE-GA EE 2016:

Crystal Palace, Watfrod iyo Swansea City ayaa heerka labaad u laaban lahaa waxayna min 36 kulan ka soo heleen 26,37 iyo 40 dhibcood sida ay u kala horeeyaan.