War Deg Deg Ah:Taliska Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadley Dhaawacyo Loo Geystay Masuulyiin Ka Tirsan Xisbiga Waddani

0
Thursday December 22, 2016 - 15:02:01 in by Burco Office
  • Visits: 988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Taliska Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadley Dhaawacyo Loo Geystay Masuulyiin Ka Tirsan Xisbiga Waddani

    Afhayeenka guud ee ciidanka Booliska Somaliland Gashaanle Sare Faysal Xiis oo warbaahinta qaar la hadley waxaa uu sheegay in falalkaasi ay ciidanka Boolisku gacanta ku hayaan .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka guud ee ciidanka Booliska Somaliland Gashaanle Sare Faysal Xiis oo warbaahinta qaar la hadley waxaa uu sheegay in falalkaasi ay ciidanka Boolisku gacanta ku hayaan .

Sidoo kale afhayeenku waxaa uu sheegay in Labada Masuul ee xisbiga Waddani ka tirsan ee dhawaacyada loo geystay ay labaduba la soo xidhiidheen ciidanka Booliska markii uu dhawacu soo gaadhey isla markaana ay Boolisku siiyeen warqadii dhawac muujinta oo ilaa hada ay baadhistu socoto waxii ka soo baxna dib laga soo sheegi doono lana marin doono waajibkiisa cidii lagu soo helo falkaasi


 

" Taarikhdu markay aheyd 19.12.2016 waxaa saldhiga dhexe ee ciidanka Booliska yimid Barkhad Jaamac Batuun , waxaana uu noo sheegay in laba qof ay dhawaacyo u geysteenoo aanu heybtooda garaneen waxaana ay Boolisu siyeen Warqada dhawac muujinta .

Sidoo kale Maxamed Sadiiq Dhamme gudoomiyaha dhalinyarada xisbiga waddani waxaa uu sheegay isaga oo gaadhigiisa wata oo maraya geerash Aw Cali Agtiisa in afar nin oo aanu garaneen ay halkaasi ku joojiyeen ka dibna ay dhaawac u geysteen , boolisku markiiba waxaa ay siiyeen warqada dhaawac muujinta " ayuu yidhi


Afhayeenka ciidanka Booliska oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in labadaasi Masuul ee dhawacyada loo geystay ay baadhistoodu socoto oo sharciga la hor keeni doono


"Labada dhibane ee Barkhad iyo Maxamed midna ma odhan cidaas baa i dishay ama qof may tilmaamin , Boolisku arintaasi si mug leh oo adag ayuu u badhayaa waxii ka soo baxana dib ayanu ka soo sheegi doona " ayuu yidhi af hayeenka ciidanka Booliska Somaliland