Guddoomiye Ramaax Oo Ku Hanjabay In Uu Tallaabo Ka Qaadi Doono Shirkadaha Iska Leh Riiagag Celal Ka Qodaya Togdheer

0
Saturday December 24, 2016 - 01:06:21 in by Burco Office
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Ramaax Oo Ku Hanjabay In Uu Tallaabo Ka Qaadi Doono Shirkadaha Iska Leh Riiagag Celal Ka Qodaya Togdheer

    Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa ku hanjabay in uu tallaabo ka qaadi doono shirkadaha iska leh riigag ceelal ka qodaya deegaamada Balli-dhiig iyo Riyo-xidho,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa ku hanjabay in uu tallaabo ka qaadi doono shirkadaha iska leh riigag ceelal ka qodaya deegaamada Balli-dhiig iyo Riyo-xidho,

kuwaas oo aan sidii loogu talo galay u wadin shaqadii laga rabay ee qodista ceelalshaasi.


Guddoomiye Ramaax oo kormeer ku tegay deegaamadaasi, ayaa waxa uu sheegay in ay dedaalayaan oo ay u yeedhi doonaan shirkadaha leh riigaggaasi oo ay kala hadli doonaan tallaabana uu ka qaadi doonanaan isaga iyo wasaaradda qaabilsani.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Riigaas tallaano cad ayaanu ka qaadaynaa waanan u yeedhaynaa shirkaddii lahayd ee hawsha wadday, maadaama oo aan gobolka masuul ka haya labada shiradood ee riigaga iska leh waa in aan tallaabo cad ka qaado, illaa Wasaaradda go’aan cad ayaanu ka wada qaadanaynaa riigagaas, waddada aanu soo haynay illaa qabri-huluul waad yaabaysaa waxa xoolo bakhi ah daadsan, waxaan idiin sheegayaa in xoolaha gaadhiga la saarayo la iska daayo, xoolihii la qaadaa meel kasta oo la geeyo waxba ka soo noqon maayaane war wixii degaan ahow iska degenaada halkiina oo ILAAHAY ku barya”