Diyaarada Rakaab laga leeyahay Liibiya Oo la Afduubtay lagana Dejiyey Dalka..

0
Saturday December 24, 2016 - 01:07:46 in by Burco Office
  • Visits: 758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarada Rakaab laga leeyahay Liibiya Oo la Afduubtay lagana Dejiyey Dalka..

    Dayuurad rakaab oo laga leeyahay dalka Liibiya, ayna saaran yihiin 118 qof ayaa la afduubay waxaana lagu khasbay inay ka dagto Jasiiradda Malta. Mas'uuliyiinta dalka Liibiya ayaa xaqiijiyay in la afduubay diyaaradda iyadoo ku guda jirtay duul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dayuurad rakaab oo laga leeyahay dalka Liibiya, ayna saaran yihiin 118 qof ayaa la afduubay waxaana lagu khasbay inay ka dagto Jasiiradda Malta. Mas'uuliyiinta dalka Liibiya ayaa xaqiijiyay in la afduubay diyaaradda iyadoo ku guda jirtay duulimaad maxali ah, waxaana dayuuradan leh shirkadda diyaaradaha Afrqiyah. Waxaa hadda ku hareereysan ciidammo. Waxaa sidoo kale garoonka ku sugan oo heegan sare ku jira shaqalaaaha gurmadka deg degga ah.

Waxay u muuqataa in aan wax xiriir ah lala sameynin kuwa afduubay diyaaradaasi oo la sheegay inay wataan bambaanooyinka gacanta laga tuuro.

Garoonka Malta ayaa qayb ahaan la xiray iyadoo duulimaadyada qaar loo weeciyay Jasiiradda Taliyaaniga ku taallla ee Sicily Sida ay ku warantay wakaalada wararka reuters.

Kooxda wax afduubatay ayaa goor dambe sii daayey 25 ka mid ah rakaabkii la socday dayuurada kuwaasoo ay ku jireen haween iyo caruur, waxaana weli gudaha dayuurada lagu heystaa ku dhowaad boqol ruux oo isugu jira rakaab iyo shaqaalihii dayuurada.