"Waxaanu Baarlamaanka u Gudbinay Xeerka la-dagaalanka Argagixisadda" Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Somaliland.

0
Saturday December 24, 2016 - 11:21:24 in by Burco Office
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaanu Baarlamaanka u Gudbinay Xeerka la-dagaalanka Argagixisadda" Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Somaliland.

    Hargeysa(AFKA)Xeer-ilaaliyaha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland, Xasan Axmed Aadan, ayaa sheegay in sannadkan sii dhammaanaya ee 2016-ka ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)Xeer-ilaaliyaha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland, Xasan Axmed Aadan, ayaa sheegay in sannadkan sii dhammaanaya ee 2016-ka ay

dalka ka dhaceen kiisas Kufsi ah oo aad u tiro-badan, kuwaasi oo ka dhacay gobollada kala duwan ee dalka. Waxa kaloo uu caddeeyay inay curiyeen xeerkii la dagaalanka argagixisadda oo ay u gudbiyeen Golaha Wakiiladda.


Garyaqaan Xasan, waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa oo uu faahfaahin kaga bixiyay hawsha uu u hayo ummadda Somaliland xafiiska uu masuulka ka yahay.

"Sannadkan sii galbanaya ee 2016-ka, kiisaska Kufsiga ah ee dalka ka dhacay, waxay marayaan boqol iyo sagaal kiis, gobolka Maroodi-jeex 53-kiis ayaa soo galay, gobolka Togdheer waa todoba Kiis, gobolka Awdal waa todoba kiis, gobolka Saaxil waa shan iyo toban kiis, gobolka Sanaag waa saddex iyo labaatan kiis, 26 qofna way ku eedeysan yihiin, gobolka Gabiley afar kiis oo kufsi ah ayaa ka dhacay, Sool oo ay ku jirto Caynaba waxa ay isku noqonayaan faldamiyeedyada kusiga ah ee ka dhacay sagaal kiis, sidii ay baryihii hore aheyd waa laga dadaaley,,da’yartu dambiyadda ay galayaan sannadkan aad ayay u badan yihiin,”ayuu yidhi Xeerilaaliyaha guud, waxa kaloo uu sharraxay waajibaadka xafiiskiisu qabto, waxaannu yidhi,"Xilka aanu qaranka u hayno waa eedeynta amase dacwadaha laga oogayo maxkamadaha hortooda, iyo diwaan-gelinta shirkadaha, hay’adaha warbaahinta, iyo ururrada siyaasadda.

Waxa kaloo uu xafiiskani qabtaa kormeerida xabsiyada dalka iyo diyaarinta xaga shuruucda dalka. waxa kale oo uu diyaariyaa xeer ciqaabeedka, xeerka la dagaalanka budhcad-baddeeda, xeerka isu gudbinta maxaabiista oo aanu la galnay Seychelles. xeerka la dagaalanka argagixisada oo aanu diyaarinay una gudbiney baarlamaanka, xeerka ilaalinta xeebaha iyo sharciga tahriibka.”

Xeerilaaliye Xasan, waxa uu ku dooday in magaalooyin badan xafiiskiisu ku leedahay xafiisyo qalabeysan oo shaqeeya, waxaannu yidhi, "Markii hore ee aan xafiiska imid, waxa ka hawlgali jiray 9 xeer ilaaliye, maantana waxa ka shaqeeya 46, ku xigeennada xeer ilaaliyaha guud ayaa ka shaqeeya, oo gobollada aanu ka wada dhisney, magaalooyinka aanu ka hawlgalno waxaa ka mida Berbera, Gabiley, Ceerigaabo, Caynaba iyo Laascaanood. Intaas oo dhan xafiisyo qalabeysan ayaa nooga dhisan, tababbaro fiicanna way helaan shaqaalahayagu.”