War Deg Deg Ah:Faah Faahino kasoo baxay dil Toorey loo adeegsaday oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

0
Saturday December 24, 2016 - 15:13:15 in by salman abdi
  • Visits: 766
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Faah Faahino kasoo baxay dil Toorey loo adeegsaday oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

    Muqdisho(AFKA)Wararka ka imaanaya Deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay dil loo geestay njin dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA)Wararka ka imaanaya Deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay dil loo geestay njin dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka. Goob joogayaal ayaa ku waramay in dilka oo loo adeegsaday toorey uu ka dhashay Muran dhax maray labo nin oo dhalinyaro ah kuwaa oo la sheegay in ay ciyaarayeen turub, waxaana muran kadib halkaasi lagu dilay mid kamid ah dhalinyrada murantay.

Ciidamada amaanka oo gaaray halka uu dilku ka dhacay ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan ninka dilka geestay, waxaana dadka deegaanka ku warameen in ciidamada ay ninkasai u kaxeeyeen xarunta Dambi baarista booliiska.


Ninka dilka geestay iyo kan la dilay ayaa la sheegay in ay kamid ahaayeen dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan Deegaanka Garasbaaley, waxaaan dilkan tooreyda loo adeegsaday sabab u noqday ciyaarta Turubka oo labada nin isku maan dhaafeen.