Qof muslim ahi ma idinku jiraa?

0
Sunday June 22, 2014 - 12:12:39 in by Super Admin
  • Visits: 1093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qof muslim ahi ma idinku jiraa?

    Masjid Minneapolis ku yaal oo dad intay Salaad Subax tukadeen, fadhiyaan, baa waxa si kedis ah kusoo galay Gaal Ameerikaan ah oo middi weyn sita.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masjid Minneapolis ku yaal oo dad intay Salaad Subax tukadeen, fadhiyaan, baa waxa si kedis ah kusoo galay Gaal Ameerikaan ah oo middi weyn sita.

Qof muslim ahi ma idinku jiraa?

 

ASc saaxiibayaal, ku soo dhawaada sheekadan bal maantana.

Masjid Minneapolis ku yaal oo dad intay Salaad Subax tukadeen, fadhiyaan, baa waxa si kedis ah kusoo galay Gaal Ameerikaan ah oo middi weyn sita. Dadkii Salaadda tukaday buu weydiiyey: Qof Muslin ahi ma idinku jiraa?. Dadkii way wada baqeen, laakiin hal nin oo geesi ahaa baa yiri: Aniga ayaa Muslin ah. Gaalkii baa ku ...yiri: Dibadda ma iigu soo bixi kartaa?. Kolkii dibadda loo baxay buu ku yiri: Waxan wataa Wan aan doonayo in qaabka Muslimiintu xoolaha u
gawracdaan aad iigu Gawracdo
haragana iga bixiso. Muslinkii Wankii inta uu gawracay buu Gaalkii ku yiri: Anigu waan kuu Gawracaye cid haraga kaaga bixisa raadso waan degdegayaaye. Gaalkii baa Masjidkii ku laabtay isaga oo middidii oo dhiig ka da'ayo sita. Dadkii ayuu weydiiyey: Qof kale oo Muslin ahi ma jiraa?. Dadkii oo dhan baa hal mar Imaamkii Masjidka farta ku fiiqay. Imaamkii oo gariiraya waxa uu yiri: War miyaad waalateen?. Ma labada Rakco een idin tujiyey baan Muslin ku noqday?.



A/qani Hussien Kaahin,

Student of university of burao,

(Department of community development),

Email: geeldoon1986@gmail.com

Mobile: +252 2 4446431