Madaxweyne Siilaanyo Oo Madax Dhaqameedka Iyo Shacabkaba Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Marxuun Suldaan Muuse Cabdi Geelle Oo Ku Geeriyooday Boorama

0
Wednesday December 28, 2016 - 14:55:12 in by salman abdi
  • Visits: 548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo Oo Madax Dhaqameedka Iyo Shacabkaba Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Marxuun Suldaan Muuse Cabdi Geelle Oo Ku Geeriyooday Boorama

    Hargeysa(AFKA);Madaxweyne Siilaanyo Oo Madax Dhaqameedka Iyo Shacabkaba Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Marxuun Suldaan Muuse Cabdi Geelle Oo Ku Geeriyooday Boorama.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Madaxweyne Siilaanyo Oo Madax Dhaqameedka Iyo Shacabkaba Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Marxuun Suldaan Muuse Cabdi Geelle Oo Ku Geeriyooday Boorama.

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle hawnaxariistee Marxuum Suldaan Muuse Cabdi Geelle oo ku geeriyooday 27/12/2016, magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed door muhiima ku lahaa dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii

beelaha Somaliland kuwada dhaqan. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka,Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka MadaxtooyadaJSL.