Raysal Wasaaraha Japan Oo Maraykanka Ka Tacsiyadeeyey Dadkii Ku Dhintay Weerarkii Lagu Qaaday 75 Sano ka Hor

0
Wednesday December 28, 2016 - 15:11:04 in by salman abdi
  • Visits: 451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Japan Oo Maraykanka Ka Tacsiyadeeyey Dadkii Ku Dhintay Weerarkii Lagu Qaaday 75 Sano ka Hor

    Ra'iisul wasaaraha dalka Japan ayaa booqday saldhiga ciidammadda badda ee Pearl Harbor ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu ka jeediyay "tacsi laabta ka soo go'day" oo ku aadan dadkii Maraykanka ahaa ee ay waxyeeladu ka soo gaartay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha dalka Japan ayaa booqday saldhiga ciidammadda badda ee Pearl Harbor ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu ka jeediyay "tacsi laabta ka soo go'day" oo ku aadan dadkii Maraykanka ahaa ee ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii uu Japan qaaday 75 sano ka hor.

Rai'iisul wasaare Abe waxaa ku weheliyay booqashadaas madaxwaynaha dalka Maraykanka Barack Obama taas oo ka dhigan in markii u horaysay ay booqdaan labada masuul ee dalalkaas.Wuxuu sheegay in dadkiisu ay wacad ku mareen in aan dib loogu noqonin masiibadii dagaalka.

Japan ayaa waxyeelo baaxad wayn gaarsiisay saldhigaas isaga oo dilay in kabadan 2,400 oo ruux oo Maraykan ah.

 

Ra'iisul wasaraaha Japan ayaa Maraykanka ku ammaanay dadaalka uu galiyay sidii uu u hagaajin lahaa calaaqaadka uu Japan la leeyahay ka dib dagaalkii ay labada dal galeen oo dhamaaday waxyar uun ka dib markii uu Maraykanku ku riday Japan qunbulado nukliyeer ah bishii sideedaad ee sanadkii 1945-tii.

Isbahaysiga ay labada dal yeesheenna waxa uu ku tilmaamay "isbahaysiga rajada".

 

 

 

Source:-BBCsomali