Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Sababta Keentay In Kooxda Khaatumo Ay Wada Hadal Kula Galaan Wadan Dibada Ah Iyo Halkay Ku Dambaysay Gogoshii Madaxweynuhu Fidiyey

0
Wednesday December 28, 2016 - 15:30:49 in by salman abdi
  • Visits: 450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Sababta Keentay In Kooxda Khaatumo Ay Wada Hadal Kula Galaan Wadan Dibada Ah Iyo Halkay Ku Dambaysay Gogoshii Madaxweynuhu Fidiyey

    Hargeysa(AFKA);Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Dr.Sacad Cali Shire, ayaa faahfaahiyey meeqaamkii ay isku hor fadhiisteen xukuumadda Somaliland iyo maamulka Khaatumo oo uu dhawaan wada-hadal ugu soo gebo geboobay magaalada Addis Ababa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Dr.Sacad Cali Shire, ayaa faahfaahiyey meeqaamkii ay isku hor fadhiisteen xukuumadda Somaliland iyo maamulka Khaatumo oo uu dhawaan wada-hadal ugu soo gebo geboobay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Wasiir Sacad oo saxaafadda magaalada Hargeysa kula hadlay, ayaa meesha ka saaray inay maamulka Khaatumo sidii maamul-goboleed Somaliland dhexdeeda ka jira oo kale u hor fadhiisteen, waxana uu hoosta ka xarriiqay inaanay ogayn cidda aan Somaliland ahayn oo dalka gudihiisa maamul dawladnimo sheegan kartaa,"Somaliland waa hal qaran, waxana aanu Khaatumo ku wada-hadlaynay xayndaabka Somaliland, mana ictiraafsanin maamul kale oo Somaliland gudaheeda ka jira, laakiin sida aad ka war haysaanba waxa jira khilaafaad siyaasi ah, ujeeddaduna waxa ay ahayd


sidii khilaafaadkaa siyaasiga ah loo dhammayn lahaa ee Somaliland dhexdiisa ka jira, markii ugu horraysayna ma ahee marar hore oo khilaafaad siyaasadeed wada-hadal loogu dhammeeyey baa jirtey”ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

 

Dhinaca kalena waxa uu wasiir Sacad ka hadlay shirar qarsoodi ahaa oo uu dhawaan guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro) iyo wafti xisbigiisa katirsan oo uu hoggaaminayaa ku galeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isaga oo meesha ka saaray inay jirto cid leh awood ay gooni isu-taagga shacabka Somaliland doorteen ku baabi’in kartaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,"waxan rabaa inaan dadka xasuusiyo in arrinka gooni isu taaggu yahay mid distoori ah, arrin guddoomiye xisbina wax ka beddeli karo ma aha, mid madaxweyne wax ka beddeli karona ma aha, dadkeenuna waxa ay qaateen go’aanka ay xorriyadooda kula soo noqonayaan 1991-kii, cidina cid kale kagalama gorgortami karto ama mucaarid ha noqoto ama muxaafide.”

Wasiirku waxa uu ka hadlay sababta keentay inay Somaliland iyo Khaatumo ku wada hadlaan dalka dibaddiisa, isaga oo xusay inay wajiyada dambe labada dhinacba kusoo wada fadhiisan doonaan gogoshii uu madaxweyne Siilaanyo hore udhigay,"Duruuf uun baa keentay inaanu Khaatumo ku wada hadalno dal shisheeye, laakiin marka ugu dambeysa waxanu isugu iman doonaa gogoshii uu madaxweynuhu dhigay” ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.