Wasiirka Macdanta Oo Shaaciyey Inay Xukuumadu Fashil Iyo Ceeb Ka Qaaday Gacan Ku Haynta Hay’addihii Korontada Ee Dawlada

0
Wednesday December 28, 2016 - 16:10:17 in by salman abdi
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Macdanta Oo Shaaciyey Inay Xukuumadu Fashil Iyo Ceeb Ka Qaaday Gacan Ku Haynta Hay’addihii Korontada Ee Dawlada

    Hargeysa(AFKA);Wasiir Xuseen oo ka jawaabayey su'aalo lagu weydiiyey barnaamijka ka baxa Telefishanka Hctv ee Qanci Dadkaaga, ayaa sharraxay sababta keentay inay dhammaanba warshadihii korontada ee xukuumaddu lahaan jirtey u noqdeen qaar gaar lo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Wasiir Xuseen oo ka jawaabayey su'aalo lagu weydiiyey barnaamijka ka baxa Telefishanka Hctv ee Qanci Dadkaaga, ayaa sharraxay sababta keentay inay dhammaanba warshadihii korontada ee xukuumaddu lahaan jirtey u noqdeen qaar gaar loo leeyahay, isla-markaana ay xukuumadda ka dhalatay xisbiga KULMIYE u awoodi weyday inay u muumusho sidii xukuumadihii ka horreeyeyba u maamuli jireen.

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale oo sharraxaya sababta loo wareejiyey warshadihii korontada ee qaranku lahaan jirey oo haatan shirkado gaar ahi manaafacaadsadaan, ayaa waxa uu yidhi, , "hore waxaynu u lahayn warshado leydh oo tii Hargeysa ka mid ahayd, wershadda Hargeysa-na iyada oo gacan dawladeed ku jirta muddo dheer baa laga shaqaynayey, weyna is bixin weyday oo waxa ay noqotay hay’ad fadhiid ah oo aan shaqaynayn oo aan adeeggii loogu talo galay soo saarayn oo ay dawladdu uun lacag ku shubayso, taasina waxa ay keentay inay dawladdu faraha kala baxdo oo ay dad gaar ah ku wareejiso.”

 

Waxa qirtay wasiirku in xukuumadda uu muddada Toddobada sano ku dhaw wasiirka ka ahaa ku fashilantay gacan ku haynta hay’adiihii korontada ee ay ka dhashaxay xukuumadihii ka horreeyey, "Haddii aanu Dawladda nahay waanu ku fashilanay inaanu maamulno warshadaha laydhka, maadaama oo ay wixii noqdeen qaar khasaare uun u keenaya shacabka waxa ay noqotay in shirkado gaar ah loo dhiibo,” ayuu yidhi wasiir Xuseen Cabdi Ducaale.

Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu ka hadlay sababta uu hoos ugu dhici waayey qiimaha korontada ee dalku, waxana uu xusay in shirkadaha korontada maamulaa inta badan isticmaalaan agab gaboobay oo khasaare badan geliya, waxana uu yidhi,"Shirkaduhu waxa ay isticmaalaan mishiino gaboobay iyo xadhkihii loo baahnaa oo aanay isticmaalaynin, waxyaabaha ay soo saaraana 40% way luntaa, taasina waa u sabab inaan qiimaha korontadu hoos u dhicin.”

Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, ayaa markii ay talada qabatay waxa gacanteeda ka baxay shirkadihii dawalddu lahaan jirtey ee korontada, gaar ahaan kuwii ku yaallay magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, kuwaas oo ay ku wareejisay shirkado gaar loo leeyahay, waxana ay ku andacootay inay shirkadadaasi isku bixin waayeen gacantii dawladda.

Shicibka dalka, gaar ahaan kuwii isticmaali jirey korontada dawladda, ayaa arrintaas si weyn u dhibsaday, maadaama intooda badani dan-yar ahaayeen, isla-markaana aanay awoodi doonin maamulka shirkadaha gaarka ah oo iyagu korontada ka goosta haddii ay lacagta ka waayaan.