Mareykanka oo digniin ka soo saaray 'musuqa' doorashada Soomaaliya

0
Thursday December 29, 2016 - 06:47:14 in by Burco Office
  • Visits: 693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo digniin ka soo saaray 'musuqa' doorashada Soomaaliya

    Qoraal la soo dhigay barta twitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sharciga Mareykanka uu dhigayo in muwaadiniinta Mareykanka dibadaha jooga la lala tiigsan karo sharciga Mareykanka haddii ay ku lug yeeshaan musuqmaasuq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal la soo dhigay barta twitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sharciga Mareykanka uu dhigayo in muwaadiniinta Mareykanka dibadaha jooga la lala tiigsan karo sharciga Mareykanka haddii ay ku lug yeeshaan musuqmaasuq baahsan.

Doorashada Soomaaliya oo mar kale dib loo dhigay
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo la dhaariyay
Xildhibaanaddii u horaysay ee Soomaali Maraykan ah oo loo hanjabay
Waxaa jira shakhsiyaad dhowr ah oo haysta dhalashada Maraykanka, balse asalkoodu yahay Soomaali oo u tartamay labada aqal ee baarlamanaka Soomaaliya iyo weliba musharixiin kale oo ka qeybgaleysa doorashada Madaxweynaha dalka Soomaaliya.
Beesha caalamka yaa horay u sheegtay inuu jira walaac laga qabo in hanaanka doorashada ee Soomaaliya ay siyaasiyiinta ku hayaan fargelin.
Qaramada Midoobay ayaa mar sii horreysay niyad jab ka muujisay dib u dhaca doorashoyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka ee Soomaaliya , waxase ay sheegtay in ay rajaynayso in doorashada madaxtinnimadu ay u dhici doonto si "habsan oo hufan".
Waxaa shalay la dhaariyay 283 xildhibaan oo isugu jira labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya , waxaana lagu wadaa inay muddo u qabtaan doorashada madaxweynaha oo dhowr jeer dib loo dhigay.