Bam Ki -Moon oo soo dhaweeyay dhaarinta xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya

0
Thursday December 29, 2016 - 15:38:38 in by salman abdi
  • Visits: 553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bam Ki -Moon oo soo dhaweeyay dhaarinta xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya

    Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-Moon ayaa soo dhaweeyey dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamanka federaalka Soomaaliya, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeey guusha Taariikhiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-Moon ayaa soo dhaweeyey dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamanka federaalka Soomaaliya, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeey guusha Taariikhiga ah.

Xog-hayahaayaa ku booriyay baarlamanka cusub in ay sii wadaan dardarta ay Somalia ku socoto ayaga oo dhameystiraya hanaanka doorashooyinka oo ay doortaan afhayeenada labada aqal iyo madaxweynaha dalka,

"Waa in uu wax ka qabtaan baarlamaanka arrimaha sharciga ee muhiimka ah oo ay ku jirto sameynta dastuur joogto ah oo Soomaaliya ay yeelato, kaasi oo loogu daneynayo dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ban Ki-Moon.

Xog-hayaha guud ayaa sidoo kale ugu baaqay mas’uuliyiinta Soomaaliya in ay buuxiyaan dhammaan kuraasta ka harsan baarlamanka, ayaga oo xaqiijinaya in kuraasta loogu talo-galay haweenka ay buuxiyaan oo kaliya haween.

Ugu danbeyntii, waxaa uu carabka ku adkeeyay in sharci darro kasta, xadgudub iyo wax isdaba marin oo ay soo weriyaan guddiyada doorashada ee heer federal ama heer gobol si buxuda wax looga qabto si loo ilaaliyo sax ahaanshaha hanaanka doorashada.

Baarlamaankan 10aad ayaa waxaa hor yaala howlo culus oo la xiriira dhinaca sharciga, gaar ahaan dajinta hab raaca doorashada hogaanka sare ee Soomaaliya.