COMAADE waa Gabay ku socda Dawladda Hoose Burco oo ay tirisay Gabadh yar oo reer Burco ahi

0
Monday June 23, 2014 - 09:48:35 in by Super Admin
  • Visits: 1269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    COMAADE waa Gabay ku socda Dawladda Hoose Burco oo ay tirisay Gabadh yar oo reer Burco ahi

    Gabayga waxaa tirisay hinda muuse faroole taas oo ay ku kaliftay ka dib markii hagar daamooyin u gaysteen isla markaana jabiyeen islaantaa sodoh da ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabayga waxaa tirisay hinda muuse faroole taas oo ay ku kaliftay ka dib markii hagar daamooyin u gaysteen isla markaana jabiyeen islaantaa sodoh da ah  maamulka    dawlada hoose  ee   degmada  burco   waxana  ay tirisay     gabaygan soo socda  oo loogu magic daray  COOMAADE 


Cajabayeey hadaa ceel togdheer cabasho taalaaye  
Coomadahaa faysal  baan  cidi u joogayne 
Barqaduu  habraha  caydhsadaa oo cagaf istaadhaaye 
Cisi xumada  waakaa  hantiyay cidi ma hiifteene 
Sodoh duu cagaha jaray ayaan cidina waydiine  
Cisi maleh rashiid iyo intay ciriq wadaagaane 
kuwuu naaska  caanaha   ka jaquu cagaf ku jiidaaye 
Bal maxaa  midkaa lagu ceshaa  laguba  ceebow ye 
Cisi maleh  nimaan cuud   tolkii cadaw ka reebayne 
Xoday baa I ciillee  rag kale maba   ciseeyeene
Cagahayga may kala jabsheen  caana-diiq  yaduye
Aakhiray  caweeyeen  ragii ii cad goynlaaye  
Allahayow janada  ceel kasii   caadil baad tahaye 
maxay   cabasho   ii tari kuwani  way cucuban yiine 
Cudayda   waan   maali laa   oo  ciil ka  bixi  laaye 
Dawladaa  casilan baan arkee  laguma  ceesheenee 
Caqligooda  dhaan baan idhee laguma ceesheene 
Curadada  halayn baan idhee  laguma  ceesheene 
Caqligii togdheer baan ahee laguma  ceesheene 
Caruurtaa  ragaa  dhaanta oo way casilan yiine  
Allahayow  cisiga   noo horseed  caadil baad tahaye  




hinda muuse faroole
Burco somaliland