Musharax Madaxweyne Cali Xaaji Warsame oo ka hadlay Musuqa hareeyay doorashooyinka Soomaliya

0
Thursday December 29, 2016 - 17:10:38 in by Burco Office
  • Visits: 599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharax Madaxweyne Cali Xaaji Warsame oo ka hadlay Musuqa hareeyay doorashooyinka Soomaliya

    Musharax Madaxweyne Cali Xaaji Warsame oo kamid musharaxiinta ugu cadcad qabashada madaxtinmada dalka doorashadan la rajaynayo in ay dhacado dhawaan ayaa sheegay in hada qaabka ay wax u socodaan aan loo duqaadan Karin, loona baahanyahay in si deg deg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharax Madaxweyne Cali Xaaji Warsame oo kamid musharaxiinta ugu cadcad qabashada madaxtinmada dalka doorashadan la rajaynayo in ay dhacado dhawaan ayaa sheegay in hada qaabka ay wax u socodaan aan loo duqaadan Karin, loona baahanyahay in si deg deg ah wax looga badalo .Musharax Cali Xaaji Warsme oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa hadalkan ka sheegay gabagabadii kulan oo la qaatay saraakiil saro oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka.

" Go’aamada Ingriiska iyo Maraykanku ka qaateen dadka haysta dhalashadooda ee Soomaliya Musuqa ka wada, runtii waa talaabo soo dhawayn mudan” Ayuu yiri Musharax Cali Xaaji Warsame

Musharax Cali ayaa safaro isdabajoog ah waxa uu baryahan kumarayay dalal badan oo ay kamid yihiin Ingriiska, Maraykanka, waxa uuna dalalkaasi kulamo kula qaatay saraakiish wadamadaas u qaabilsan siyaasada arimaha dibada ,kulamadan ayaa xooga saarayay sidii Soomaliya iyo dalalkaas u wada shaqayn la haayeen hadii uu Cali xilka ku guulaysto.

Dhinica kale, QM, Midowga Yurub , IYO dalal kale ayaa ka horyimid go’aankii madasho ay qaateen ee ku saabsanaa kurdhinta xubnaha aqalka sare. Waxayna hoosta ka xariiqeen in wax isdaba marinta baahsan ee doorashada Soomaliya aan loo sii dulqaadan Karin.

Cali Xaaji Warasme ayaa waxaa la rajaynayaa in uu maalmaha soo socda uu soo gaaro magaalada Mogadisho si uu oga bilaabo ololhiisa dooarshada tartanka Madaxweynaha Soomaaliya.