War Deg Deg Ah:Turkiga Oo Sheegay Inuu Hayo Caddeymo Muujinaya In Mareykanku Taageero Kooxaha Argagixisada

0
Thursday December 29, 2016 - 17:13:00 in by Burco Office
  • Visits: 754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Turkiga Oo Sheegay Inuu Hayo Caddeymo Muujinaya In Mareykanku Taageero Kooxaha Argagixisada

    Burco(AFKA)Waddamada Turkiga iyo Ruushka ayaa si gooni gooni ah waxay dawladda Maraykanka ugu eedeeyeen inuu taageero kooxaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA)Waddamada Turkiga iyo Ruushka ayaa si gooni gooni ah waxay dawladda Maraykanka ugu eedeeyeen inuu taageero kooxaha

 argagixisada ee Ka dagaalama waddamada Suuriya iyo Ciraaq.


Madaxweynaha Waddanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu hayo caddeyn ah in Maraykanku hogaaminayo ciidamada isbahaysiga taageera Dawladda Islaamiga ah ee Ka dagaalama waddamada Ciraaq iyo Suuriya ee ISIL, sidoo kale loo yaqaano ISIS iyo kooxaha Kurdishka ah iyo waliba Jabhadaha kale ee YPG iyo kuwa xidhiidha la leh.


Warkan oo ka soo baxay Xukuumadda Turkiga ee Magaalada Ankara ayaa la sheegay in la hayo sawiro iyo muuqaallo caddeyn u ah arrimahaas.


Si kastaba ha ahaatee Turkiga ayaa kooxaha Liiska argagixisada ay ka mid yihiin Daacish, YPG Iyo weliba kooxda kale ee PYD.