WARBIXIN: Sky Sports Oo Shaaciyay Qiimaynta Todobaadlaha Ah Ee Power Rankings Ee Kadib Kulamadii 18-Aad Ee Premier Leaque-ga Iyo Xidigaha Qiimayntan Ugu Sareeya.

0
Friday December 30, 2016 - 02:17:08 in by Burco Office
  • Visits: 1015
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Sky Sports Oo Shaaciyay Qiimaynta Todobaadlaha Ah Ee Power Rankings Ee Kadib Kulamadii 18-Aad Ee Premier Leaque-ga Iyo Xidigaha Qiimayntan Ugu Sareeya.

    Sky Sports ayaa xili ciyaareedkan bilaabay barnaamij cusub oo xili ciyaareedkan 2016/17 la bilawday kaas oo ay todobaadkasta maalinta talaada ku soo bandhigaan qiimaynayta bandhiga ciyaartoyda Premier Leaque-ga ee todobaad kasta ugu fiican waxaana ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sky Sports ayaa xili ciyaareedkan bilaabay barnaamij cusub oo xili ciyaareedkan 2016/17 la bilawday kaas oo ay todobaadkasta maalinta talaada ku soo bandhigaan qiimaynayta bandhiga ciyaartoyda Premier Leaque-ga ee todobaad kasta ugu fiican waxaana barnaamijkan loogu magacdaray '

Power Ranking’. Todobaad kasta oo la ciyaaro kulamada premier Leaque-ga ayaa la soo saaraa barnaamijkan Power Rakings.

 
Qiimayntan ayaa ka kooban laba qaybood, waxaana qaybta h--e lagu soo saaraa guud ahaan ciyaartoyda ugu bandhiga fiicnaa kulamada Premier Leaque-ga ee la soo ciyaaray halka qaybta labaad lagu soo saaro qiimaynta koox kasta ciyaartoyga ugu qiimaynta fiicnaa kulamada Premier Leaque-ga ee la soo ciyaaray.

 

 
Haddaba shabakadda Laacib.net ayaa si joogto ah akhristayaasheeda u ugu soo tabisa qiimayntan maalin kasta oo talaado ah isla marka ay Sky Sports soo saarto qiimaynteeda Power Ranking iyada oo markasta oo la ciyaaro kulamada Premier Leaque-ga qiimayntan la soo saaro. Qiimayntan ayaa lagu soo xulan karaaa qaab ciyaareedka ciyaartoyda ee xili ciyaareedka oo dhan sida joogtada ah u muujiyay bandhiga fiican.

 


Qiimaynta Sky Sports ee Power Rakings ee kulamadii 18 aad ee premier leaque-ga waxaa hogaaminaya gool dhaliyaha Mancehster United ee Zlatan Ibrahimovic kaas oo sii wata gool dhalintiisa joogtaada ah isaga oo qiimayntii labaad oo xidhiidh ah calanka u sida qiimaynta Sky Sports ee Power Rakings. Ibrahimovic ayaa goolkiisii 12 aad ee xili ciyaareedkan ka dhaliyay kulankii Sunderland.

Goolhayaha Chelsea ee Thibaut Courtios oo dhaqan ka dhigtay in uu shabaqa kooxdiisa ka ilaaliyo wax goolal ah kaalinta labaad ka soo galay qiimayntii kulamadii 18 aad ee Power Rakings laakiinAlexis Sanchez oo h--e qiimayntan dhar jeer u soo hogaamiyay ayaa kaalinta 21 aad sii maraya kadib markii uu kulamadii Everton, Manchester City iyo West Brom meel xun ka galay qiimayntan isla markaana aanu soo badhigin qaab ciyaareedkii looga bartay.

Arsenal's Alexis Sanchez set up Theo Walcott's opener against Manchester City but slipped to No 7 in the Sky Sports Power Rankings this week after topping the chart for three weeks

Waxaa kaalinta laabad ka soo dhacay balse booska saddexaad ku fadhiistay Christian Eriksen oo ka tirsan Tottenham halka saaxiibkiisa Delle Alli uu isna kaalinta afraad soo galay kadib bandhigii layaabka lahaa ee uu ka sameeyay kulankii Southampton

QIIMAYNTA SKY SPORTS EE POWER RAKING IYO XIDIGAHA UGU SAREEYA EE KULAMADII 18 AAD EE PL:

QIIMAYNTA SKY SPORTS EE POWER RAKING IYO XIDIGAHA KOOXAHOODA UGU QIIMAYNTA SAREEYA EE KULAMADII 18 AAD EE PL: