Beesha Caalamka Oo Soo Dhawaysay Kuraasta Lagu Kordhiyey Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Somaliya Iyo Dhaqan Gelinta Oo Sharciga Loo Eegayo

0
Friday December 30, 2016 - 16:24:12 in by salman abdi
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka Oo Soo Dhawaysay Kuraasta Lagu Kordhiyey Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Somaliya Iyo Dhaqan Gelinta Oo Sharciga Loo Eegayo

    Wakiilada beesha caalamka u qaabilsan somaliya iyo ururada caalamiga ah ayaa ka hadlay go,aankii ay hogaamiyayaasha madasha wada tashiga somaliya ku kordhiyeen kuraasta aqalka sare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilada beesha caalamka u qaabilsan somaliya iyo ururada caalamiga ah ayaa ka hadlay go,aankii ay hogaamiyayaasha madasha wada tashiga somaliya ku kordhiyeen kuraasta aqalka sare.

Wadamada somaliya ka caawa arimaha doorashooyinka ee , Talyaaniga, Belgium, Netherlands, Sweden, UK, Maraykanka. Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Midawga Yurub iyo urur goboleedka IGAD oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyey go,aanka ay hogaamiyayaasha madasha wada tashiga somaliya ku gaadheen inay 18 kursi ku kordhiyeen aqalka sare ee baarlamaanka somaliya.

Wakiilka gaarka ah Michael Keating oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan xubnaha lagu kordhiyey aqalka sare ee baarlamaanka somaliya, waxaanu sheegay inay muhiim

tahay in dib u eegis lagu sameeyo xubnaha la kordhiyey maadaama dastuurka somaliya qorayo in aqalka sare ka koobnaado 54 xubnood, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in wax ka badal lagu sameeyo qodobka ku jira dastuurka ee ka hadlaya tirada xubnaha aqalka sare.

 

Dhinaca kale hogaamiyayaasha madasha wada tashiga somaliya ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay dhaqan gelinta kuraasta dheeraadka ah ee lagu kordhiyey aqalka sare ee baarlamaanka somaliya iyaga oo sheegay inay dib u eegis ku samayn doonaan sharciyada lagu kordhin karo.