"Hal Kaliya Oo Musiibo Ah Ayaa Soo Wajahi Karta Manchester United Xagaagan!!" Jose Mourinho

0
Saturday December 31, 2016 - 11:41:28 in by Burco Office
  • Visits: 676
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Hal Kaliya Oo Musiibo Ah Ayaa Soo Wajahi Karta Manchester United Xagaagan!!" Jose Mourinho

    Manchester United ayaa qaab wanaagsan ku socota dhawaanahaan inkastoo bilowgii xagaagan uu u ahaa mid aad u xun hadana haatan waxaa la dareensan yahay iney madaxa kor ula soo kacday madama ay 4-kulan oo xiriir ah adkaadeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa qaab wanaagsan ku socota dhawaanahaan inkastoo bilowgii xagaagan uu u ahaa mid aad u xun hadana haatan waxaa la dareensan yahay iney madaxa kor ula soo kacday madama ay 4-kulan oo xiriir ah adkaadeen.

Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in dhaawac soo gaara Zlatan Ibrahimovic ay noqon karto musiibada ugu weyn oo ay kooxdiisa la kulanto xagaagan.

 

Jose ayaa amaan kala duldhacay Zlatan ka hor kulanka maanta ay wajahi doonaan Boro, isagoo sidoo kale soo jeediyay inuu qabtay shaqo ka adag midda ay La Liga ka qabtaan Ronaldo iyo Messi.


"Waa Musiibo” Ayuu ku jawaabay mar la weydiiyay waxa uu dareemayo hadii uu dhaawac soo gaaro weeraryahan Zlatan Ibrahimovic.

"Marka la joogo Spain, Messi iyo CR7 waxey dhaliyaan rigoroeyaal badan, waa ciyaartoy aan caadi aheyn kuwaas oo hela rigooreyaal badan”

"Halkaan waxaa jooga Zlatan 18-kulan wuxuu dhaliyay kaliya hal rigoore, mana fududa inaad goolashaas oo kale dhalis”

Jose Mourinho ayaa wax laga weydiiyay hadii uu qorsheynayo inuu lasoo saxiixdo weeraryahan madama ay macquul tahay inuu Zlatan dhaawac soo gaaro.

"Kuma dhiiraneyno inaan sidaas sameyno”

"Waxaan heysanaa Zlatan, Rooney,Rashford iyo Martial, kuwaas oo dhamaantood ciyaari kara numberka 9-aad iyagoo adeegsanaya qaabab kala duwan”