War Deg Deg Ah:Madaxtooyada Galmudug Oo War Ka Soo Saartay Xil ka Qaadistii lagu Sameeyay C/Kariin Guuleed

0
Tuesday January 10, 2017 - 13:17:54 in by Burco Office
  • Visits: 504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Madaxtooyada Galmudug Oo War Ka Soo Saartay Xil ka Qaadistii lagu Sameeyay C/Kariin Guuleed

    War-Saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Galmudug ayaa looga soo horjeestay Kalsooni kala noqoshadii Xildhibaanada Baarlaaanka Maamulka Galmudug maanta ku sameeyeen Cabdikariin Xuseen Guuleed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-Saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Galmudug ayaa looga soo horjeestay Kalsooni kala noqoshadii Xildhibaanada Baarlaaanka Maamulka Galmudug maanta ku sameeyeen Cabdikariin Xuseen Guuleed. War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay mid sharci daro ah Go'aankiii ay Baarlamaanka maanta kalsoonida kala noqdeen Xildhibaanada Galmudug, waxaana lagu sheegay Warkan in aysan marnaba aqbaleyn waxii kasoo baxay Kalankii Baarlamaanka.

War- Saxaafadeedka kasoo baxay Galmudug ayaa u qornaa sida tan.

Dowlad Goboleedka Galmudug waa Dowlad Goboleed hay’ada heeda dowligaa ay ku dhisan yihiin sharci iyo dastuur ay sameysteen dadweynaha reer Galmudug.

Maamulka Galmudug wuxuu u taagan yahay inuu ixtiraamo kuna shaqeeyo sharciyaddaas iyo Dastuurka ay dadka reer Galmudug sameysteen, waxa kasocda Goobta Badbaado lagu magacaabo waa mid sharci darro ah kana baxsan Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug, maxaa yeelay kalfadhi rasmi ah oo Baarlamaanku leeyahay oo furan majiro, sida kucad warmurtiyeedka uu soo saaray 5tii Jan, 2017.

Hadaba, waxaa u arkeynaa waxa maalmihii lasoo dhaafay ay wadaan qaar kamida xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay tahay fawdo, sharci darro lagu sameynayo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Hadaan nahay maamulka Galmudug ma aqbalayno mana aqbali doonno wax walba oo kasoo baxa Goobta lagu magacaabo Badbaado.

Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug