Ninkii weeraray kaniisadda dadka madow oo dil lagu xukumay

0
Wednesday January 11, 2017 - 09:17:03 in by salman abdi
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninkii weeraray kaniisadda dadka madow oo dil lagu xukumay

    Nin ay ku weyntahay cadaannimada, Dylann Roof, ayaa lagu xukumay dil ka dib markii uu sagaal qof oo madow ah ku dilay kaniisad ku taalla South Carolina.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin ay ku weyntahay cadaannimada, Dylann Roof, ayaa lagu xukumay dil ka dib markii uu sagaal qof oo madow ah ku dilay kaniisad ku taalla South Carolina.

Dylann Roof, ayaa bishii tagtay lagu helay 33 fal dembiyeed, oo ay ka mid ahaayeen, Neceyb, iyo inuu rasaas ku furay dad bible baranaayay sanadkii 2015-kii.

Wuxuu diiday inuu ka soo noqdo naceybka ku jiro iyo falka uu geystay, wuxuuna xeer-beegtida u sheegay, "waxaan dareemayay inay waajib igu ahayd inaan sameeyo, welina waxaa dareemaayaa inaan ficilkaas mid la mid ah sameeyo".

Trump: Soomaaligii weerarka Ohio gaystay ma ahayn inuu dalka joogo

Donald Trump oo ammaanay Madaxweyne Putin

Xeer-beegtida ayaa seddax saacadood ka doodayay arrintan ka hor inteysan gaarin go'aanka.

Xasuuqaasi ka dhacay kaniisadda wuxuu argagax geliyay Mareykanka, wuxuuna ifiyay dhibaatada ka taagan xiriirka qowmiyada, iyo sii jiritaanka calanka midab takoorka.

Roof wuxuu booliska u sheegay in uu doonayo inuu billaabo dagaal jinsi ku saleysan, waxaana sawir laga qaaday asigoo haysta "calanka colaadda", kaas oo astaan u noqon kara naceyb.

Musiibadaas ayaa sababtay in calankaasi laga saaro aqalka maamulka South Carolina, halkaas oo 50 sano uu ka babanayay.

Ka dib dilkaasi, Obama ayaa tagay kaniisadda oo la hadlay dadka madow, wuxuuna xusay dadkii billaabay kaniisaddaasi oo madow ahaa.


Barack Obama oo hogaamiyay kullan duco oo kaniisadda lagu qabtay, wuxuuna ku heeshay "fadliga layaabka leh".

Ka dib markii lagu xukumay dilka, 22-sano jirka dadka laayay wuxuu dalbaday in loo magacaabo qareenno cusub, uuna dacwadda dib u billaabo.

Obama: Trump ma hogaamin karo US

Maraykanka oo qirtay inuu duqeyn ku dilay ciidammo Galmudug ah

Garsooraha degmada, Richard Gergel oo u jawaabay Roof ayaa sheegay inuu "si adag u diiday" wuxuuna Roof u sheegay inuu dib u fikiro