XIL: CALI MAREXAAN IYO WAABEEYO WAA RAJADA DHALINYARADA TOGDHEER. W/Q HASSAN SALEBAN HARUN

0
Tuesday June 24, 2014 - 19:14:43 in by Super Admin
  • Visits: 1187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XIL: CALI MAREXAAN IYO WAABEEYO WAA RAJADA DHALINYARADA TOGDHEER. W/Q HASSAN SALEBAN HARUN

    Labadan mudane oo waxqabadkooda ka bilaabay iyagoo mucaarad ah in ay mushaharkooda kaga qaybqaataan horuminta deeganadii laga soodoortay ayaa ilaa maanta wada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labadan mudane oo waxqabadkooda ka bilaabay iyagoo mucaarad ah in ay mushaharkooda kaga qaybqaataan horuminta deeganadii laga soodoortay ayaa ilaa maanta wada.


Inkasta oo  gobolka  togdheer ay ka soo jeedaan siyaasiyiin  aad utiro badan hadana  waxa aan labadan u doortay  markaan arkey   sida  ay hadh  iyo  habeenba  ugu   dadaalayaan  horumarinta  gobolkii   laga soo  doortay   labadan  mudane  oo  ilaa maalintii   la soodoor tay  ku foognaa  ka qaybqaadashada  dhamaan dhinacyada  horumarinta  gobolka  sida  wadooyinka, garoonka  diyaarada,  taakulaynta   jamacada burco  taas oo  ay ka markhaatikaceen  maamulka jaamacadu, dhiirigelinta   dhalinyarada  haday tahay  dhinica  waxbarashada,  sports.   Waxa kale   oo  ay dhalinyarada  tuseen  in ay ku dhiiradaan  ka qaybqaadashada   siyaasada   dalka  taas oo keen tay  in dhalinyaro  badani  ka qaybgalaan  doorashadii  dowladaha  hoose  kuna soo baxaan .

 


labadan  xildhibaan  oo  ka  mid ahaa   15  xildhibaan oo  ka soo baxay  gobolkaas    oo  qaar  ka  mid ah  aanay  gobolka  dibba  ugu  soo noqon.


Labadan mudane oo  waxqabadkooda  ka bilaabay  iyagoo  mucaarad ah in ay  mushaharkooda  kaga qaybqaataan  horuminta deeganadii  laga soodoortay   ayaa  ilaa  maanta wada.


Hadaba  marka  aad la sheekeysato  dhalinyarada togdheer  ayey  kuu sheegayaan in ay aad ugu  mahadcelinayaan   uguna  halbalyeynayaan  waxqabadka  muuqda iyo dadaalkooda dheeraadka ah

Sidoo kale  waxa ay balan qaadayaan  in  ay  taageeridoonaan  hadii  ay marlabaad isusoo taagaan  xilkaas.

Dhawaan ayey  aheed  markii    wargeyska  jamhuuriya  ee qiimeyntii   uu   ku sameeyey  xildhibaanada  golaha  wakiilada  ay ku  sheegeen   in  labadan  xildhibaan yihiin   kuwa   ugu  waxqabadka   badan    golahaas.




W/Q  HASSAN   SALEBAN  HARUN

HARGEYSA . SOMALILAND