Maamulka Balad Xaawo oo soo rogay awaamiir kusaabsan qarashka aroosyada kubaxa.

0
Friday January 13, 2017 - 11:35:56 in by salman abdi
  • Visits: 730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Balad Xaawo oo soo rogay awaamiir kusaabsan qarashka aroosyada kubaxa.

    Maamulka Balad Xaawo, gobolka Gedo, Jubaland Soomaaliya ayaa soo rogay awaamiir kusaabsan qarashka aroosyada kubaxa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Balad Xaawo, gobolka Gedo, Jubaland Soomaaliya ayaa soo rogay awaamiir kusaabsan qarashka aroosyada kubaxa.

Sidaa ayaa waxaa uu u yeelay in loo fududeeyo dadka is guursanaya guurka oo aan qarash badan lagu xirin. Meherka ayuu maamulku sheegay in gabadha ama haweeneyda la guursanayo ay leedahay ayna sheegan karto intii ay doonto laakiin qarashka guurka ayaa maamulku doonayaa inuusan dhaafin 600 oo doolar.

Kadib markii asbaabo badan uu qaadaa dhigay maamulka Balad Xaawo ayaa go'aankaasi dhashay.

Sariirta iyo kuraas caag ah iyo daahyo dariishadaha iyo albaabada ah oo qura ayuu amray inaan laga badin.

Gidaarada daahyada lagu wareejiyo ayaa gebi ahaanba maamulka Balad Xaawo uu mamnuucay asaga oo awaamiirtaa ideylkood wareegto rasmi ah kusoo saaray.

3 neef oo ari ah inaan ka badan la qali karin ayuu amray maamulka Balad Xaawo.

Arinkaan ayaa la filayaa in dhallinyaro badan uu ku dhiirigaliyo inay guurka u dagdagaan.