Saldhiga Imaaraadku Ka Samaysanayo Berbera Oo Khilaaf Ka Dhex Abuuray Madaxtooyada, Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE

0
Friday January 13, 2017 - 14:34:08 in by Burco Office
  • Visits: 468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhiga Imaaraadku Ka Samaysanayo Berbera Oo Khilaaf Ka Dhex Abuuray Madaxtooyada, Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE

    Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la filayaa inay gasho xaalad cusub oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la filayaa inay gasho xaalad cusub oo

dhinaca xifaaltanka ah, taasoo ay ku lug leeyihiin jilayaal isla xukuumadda iyo xisbigeeda ka tirsan oo dano siyaasadeed oo kala maan ah leh.


Sida ay xaqiijiyeen warar aad loogu kalsoonyahay waxa sii xoogaysanaya khilaafka ka dhex jira Madaxtooyada Somaliland, xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, khilaafkaas oo ubucdiisu ku salaysan tahay Saldhiga Imaaraadku ka samaysanayo magaalo xeebeedka Berbera.

Qorshahan ayaa ay xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE oo uu Muuse Biixi hogaaminayaa u arkeen inuu sabab u noqon karo in xukuumadda muddo kordhin loo sameeyo, sidoo kalena waxay u arkaan inuu yahay qorshe ay ku haboontahay in looga tago xukuumadda dambe ee KULMIYE ka dhalan doonta haddii uu Muuse Biixi ku guulaysto talada dalka si magac iyo manfac wixii heshiiskaas ka soo baxa ay tunka ugu qaataan, waxaana ay arrintaasi keentay inay guddoomiyaha KULMIYE la saftaan xubno xukuumadda ka tirsan oo ay ka mid yihiin, Wasiirka arrimaha dibadda SacadCali Shire oo hadal uu warbaahinta siiyey laga dhadhansaday heerka khilaafkoodu marayo iyo wasiirka Maaliyadda Sam Sam Cabdi Aadan.

Dhinaca kale xubno wasiirro ah ayaa si wayn uga soo horjeeda qorshaha hogaanka xisbiga KULMIYE damacsan yahay, iyadoo sida la ogyahay uu heshiiskan dabada ka wado safiirka Somaliland u fadhiya dawladda Imaaraadka carabta Baashe Cawil, waxaana ay xubnahani u sacabo tumayaan in la sameeyo muddo kordhinta hadal haynteedu maalmihii u dambaysay taagnayd, taasoo ka saacidi karta inay helaan wakhti heshiiskan lagu saxeexo, wixii kharashaad ah lagu kala qaato laguna dhaqan gelin karo.

Xubnaha wasiirrada ah ee qorshahan ku dhegen ayaa waxa ka mid ah wasiirka Madaxtooyada, duulista, wershadaha iyo safiirka imaaraadka Baashe Cawil, waxaana xusid mudan in xubnahan qaar ka mid ah ay hadaba ku maqan yihiin Dubai.

Geesta kale waxaa jira dedaalo ay ku jiraan xubno ka tirsan qoyska Madaxtooyada kuwaasoo ubucdoodu tahay in Madaxwaynaha laga dhaadhiciyo Muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda iyadoo laga faa’iidaysanayo abaaraha dalka ka jira ee aan duruuf ahaan la dafiri karin, balse waxaa xusid mudan in labadan kooxood ee aynu soo sheegnay uu mid walba dhinaciisa ugu adeeganayo xaaladda abaareed ee taagan.