Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay doorashada Soomaaliya

0
Friday January 13, 2017 - 14:39:14 in by Burco Office
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay doorashada Soomaaliya

    Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ee ka mid ah ciidamada AMISOM ay yihiin kuwa ugu yar balse ka howlgala deegaanada ugu adag uguna ballaaran dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ee ka mid ah ciidamada AMISOM ay yihiin kuwa ugu yar balse ka howlgala deegaanada ugu adag uguna ballaaran dalka Soomaaliya.


Madaxweyaha oo wareysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ee idaacada Codka Maraykanka ayaa sheegay in ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya ay yihiin labo batalyan.

"Ciidamadeena marti kuma aha dalka Soomaaliya wadankooda oo kale ayay joogaan waxa ay ka qeybgalaan sugida amniga,gurmadka iyo weliba xalinta khilaafaadka ka dhex jira dadka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa rajo ka muujiyay doorashooyinka dalka Soomaaliya ka dhacay isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay muddo dheer duruuf adag ku soo dhex jireen.

Ugu danbeyntii, dalka Jabuuti oo kamid ah dalalka Afrika ayaa waxaa ka soconaya mashaariic kala gedisan iyadoo wadamo badan ay mashaariic ka hirgeliyeen dalka Jabuuti.