Madaxweynaha Somaliland Oo Taci U Diray Aqoon Yahan Taariikh Facweyn Ku Dhexlaha Umada Ku Hadasha Afka Somaliga Oo Geeriyooday

0
Sunday January 15, 2017 - 21:34:09 in by salman abdi
  • Visits: 656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Taci U Diray Aqoon Yahan Taariikh Facweyn Ku Dhexlaha Umada Ku Hadasha Afka Somaliga Oo Geeriyooday

    Hargeysa(AFKA);Madaxweynaha Somaliland Oo Taci U Diray Aqoon Yahan Taariikh Facweyn Ku Dhexlaha Umada Ku Hadasha Afka Somaliga Oo Geeriyooday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Madaxweynaha Somaliland Oo Taci U Diray Aqoon Yahan Taariikh Facweyn Ku Dhexlaha Umada Ku Hadasha Afka Somaliga Oo Geeriyooday

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariisteeMarxuum Prof. Xuseen Maxamed Aadan(Tanzania)oo ku geeriyooday dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Boston taariikdu markay ahayd 15/01/2016.

Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey Aqoonyahan taariikh facweyn ku leh guud ahaan soomaalida iyo aduunka, kana mid ahaa Aqoonyahanadii u horeeyey ee aduunku u aqoonsado Professor-nimadiisa, isagoo aqoon gaara u lahaa Culuunta Siyaasada (Political Science) ahaana aas-asihii unkay "Somali Studies International Association". Marxuumku waxa uu tusaale u ahaa aqoonyahanka dalka, waana tiir ka baxay dalka iyo dadka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.