Sarkaal Kenyan ah Oo Soo Bandhigay Tirada Askartii Kenya looga Dilay Weerrakii Ceel Cadde

0
Monday January 16, 2017 - 11:09:00 in by
  • Visits: 914
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Kenyan ah Oo Soo Bandhigay Tirada Askartii Kenya looga Dilay Weerrakii Ceel Cadde

    Weerarkii dagaalyahano katirsan Xarakada Al Shabaab ku qaadeen saldhig Ciidamada Milatariga Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa waxaa kasoo wareegtay mudo sanad ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerarkii dagaalyahano katirsan Xarakada Al Shabaab ku qaadeen saldhig Ciidamada Milatariga Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa waxaa kasoo wareegtay mudo sanad ah. Dowlada Kenya ayaan wali shaacin qasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray weerarkaasi ka dhacay Ceel Cadde, waxaana soo baxayay in weerarkaasi Kenya ku weysay askar aad u badan tiro kalana nolosha lagu qabtay.

Mid kamid ah Saraakiishii ka bad baaday Weerarkii ka dhacay Saldhiga Ciidamada Kenya ee Ceel Cadde ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay 173-askatri oo katirsanaa Ciidanka Kenya, waxa kale uu sheegay in Al Shabaab nolosha ku qabsadeen 13-askari oo kale.

Madaxda Dowlada kenya ayaa marar badan ka wareegtay in ay shaaciyaan tirada ciidanka Kenya looga dilay weerarkii Ceel Cadde, waana marjii ugu horeesay Sargaal Kenyana ah uu shaaciyo tirada askarta looga dilay Kenya Weerarkii Ceel Cadde.

Dalka Kenya qeybo kamid ah waxaa lagu qabtay munaasabado lagu xusayay askartii Kenya sanad kahor looga laayay Deegaanka Ceel Cadde, waxaana xuska kasoo qeyb galay xaasaska, caruurta iyo qaar badan oo kamid ah ehelada askartii weerarkaasi lagu laayay.

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa 15-kii bisha Janaayo ee sanadkii 2016-ka waxa ay weerar ku qaadeen saldhig ciidanka Kenya ku lahaayeen Ceel Cadde, waxa ayna Shabaab sheegeen in weerarkaasi ku dileen in ka badan 100- aaskari sidoo kale tiro kale nolosha ku qabten.