Tirada dadka diidan ee lagu soo casuumay inay ka qayb galaan xafladda caleema saarka Trump ayaa gaadhay 26

0
Tuesday January 17, 2017 - 09:44:30 in by
  • Visits: 686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada dadka diidan ee lagu soo casuumay inay ka qayb galaan xafladda caleema saarka Trump ayaa gaadhay 26

    Tirada xubnaha katirsan xisbiga dimoqraadiga ee Golaha sare ee dalka Maraykanka ee sheegay inaanay ka qayb gali doonin maalinta loo ballansanyahay caleema saarka Madaxwaynaha ladoortay ee Mareykanka ayaa sii kordhaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tirada xubnaha katirsan xisbiga dimoqraadiga ee Golaha sare ee dalka Maraykanka ee sheegay inaanay ka qayb gali doonin maalinta loo ballansanyahay caleema saarka Madaxwaynaha ladoortay ee Mareykanka ayaa sii kordhaysa.

Caleema saarka Madaxwaynaha ladoortay ee Maraykanka ayaa loo ballansanyahay inay dhacdo maalinta Jimcaha ee inagu soo aaddan.

John Lewis ayaa kamida xubnaha golaha sare ee Mareykanka ee diiday inay ka qayb galaan caleema saarka Trump , isaga oo sheegay inaanu ahayn Madaxwaynii saxda ahaa ee loo baahnaa.

Trump oo kajawaabay hadalka John Lewis ayaa soo dhigay bartiisa Twitter ka inuu


Lewis Yahay nin hadal badan oo wax matara ah.

 

Mr Lewis ayaa dad badan oo Maraynka ku dhaqan taageeraan iyaga oo aaminsan inuu yahay nin Geesi ah.

John Lewis ayaa dhalinyarta ku dhiirri galiya inay u dagaalaman markasta xaqqa isaga oo ugu baaqa inayna ka aamusin markay madaxdu khalad ku kacaan.

Hargeisa Office

Hadhwanag News

Source : BBC World Service