Ciidamada Burundi ee AMISOM oo laga yaabo inay helaan gunnooyinkii ka maqnaa.

0
Friday January 20, 2017 - 10:07:00 in by salman abdi
  • Visits: 548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Burundi ee AMISOM oo laga yaabo inay helaan gunnooyinkii ka maqnaa.

    Ciidamada Burundi ee AMISOM ayaa laga yaabaa inay helaan gunnooyinkii ka maqnaa kadib markii ay ku gooddiyeen in ay ka baxayaan Soomaaliya dabadeedna wada xaajood lala galay dawlada Burundi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Burundi ee AMISOM ayaa laga yaabaa inay helaan gunnooyinkii ka maqnaa kadib markii ay ku gooddiyeen in ay ka baxayaan Soomaaliya dabadeedna wada xaajood lala galay dawlada Burundi.

12 bilood ayaa waxaa gunnooyinkaasi ka maqnaayeen ciidamadaasi Burundi ee AMISOM ee Soomaaliya jooga.

Khamiistii shalay ayaa sargaal sare oo Midowga Afrika ka socda uu soo gabagabeeyay 2 maalmood oo booqasho ah oo uu ku tagay Burundi.

Wada xaajood ayay ka galeen arinkaa asaga iyo dawlada Burundi arinkaana waxaa iminka lagu dhammeeyay inaysan ciidamadeeda la bixin dawlada Burundi balse la siin doono gunnooyinkooda. Sargaalkaa ayaa kala niqaashay arinkaa dawlada Burundi shalay iyo Arbacadii.

"Waxaanu isku raacnay in gunnooyinka aan usoo dirno ciidamada Burundi'. Smail Chergui, oo ah sargaalkaa Midowga Afrika kasocda ayaa sidaa sheegay asagoo markaa kadhoofayay Bujumbura shalay booqashada kadib.

Smail Chergui ayaa sheegay in lacagtaa sida ugu dhaqso badan loogu diri doono ciidamadaasi Burundi ee AMISOM.

Laga soo bilaabo 2007, dawlada Burundi ayaa Soomaaliya usoo dirtay lix bataaliyoon oo ka koobnaa ilaa 5,500 oo askari oo nabad ilaalin ah.