Mac-hadka Barasha Nabada Ee Jaamacadda Hargeysa oo soo Gebagabeeyey Tababar Caalami ah

0
Thursday February 20, 2014 - 21:19:52 in by London Office
  • Visits: 1310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mac-hadka Barasha Nabada Ee Jaamacadda Hargeysa oo soo Gebagabeeyey Tababar Caalami ah

    Mac-hadka Barasha Nabada Ee Jaamacadda Hargeysa oo soo Gebagabeeyey Tababar Caalami ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababar la soo xidhay
Mac-hadka Barasha Nabada Ee Jaamacadda Hargeysa oo soo Gebagabeeyey Tababar Caalami ah

Tababarkan oo xarunta Mac-hadka Xalinta Khilafaadka Jaamacadda Hargeysa ka socday muddo 5 maalmood ah, laguna baranayey dhismaha nabada, xalinta khilafaadka iyo shuruucda caalamiga ah, waxa xidhitaankiisa ka qaybgalay Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shiri, Madaxa mac-hadka Xalinta Khilafaadka Prof. Aadan Xaaji Cali, Agaasimaha Tacliinta Sare Khadar Axmed Diiriye, Xoghaya Guud ee Guurtida, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Cabdi Xuseen Gaas iyo masuul hay’adda UNDP ka socday.

DSCN6325

Prof. Aadan Xaaji Cali, ayaa sheegay in tababarada caalamiga ah ee noocan ah ay sii wadi doonaan, isla markaana ay iska kaashan doonaan Jaamacadaha caalamka, isagoo u mahadceliyey Jaamacadda Talyaaniga ah ee Scuola Superiore Santa’Anna, waxaannu xusay in tababarkan muujiyey awoodda Jaamacadda Hargeysa u leedahay qabashada aqoon is waydaarsiyada heerka caalami ah. "Dadka halkan ka soo qaybgalay hay’adaha caalamiga iyo bulshada rayidka ah bay ka yimaadeen, waana tababaradii caalamiga ahaa ee aanu hore u wadnay oo aanu albaab cusub u furnay ah inaannu jaamacadaha caalamka iska kaashan doono, mana aha markii ugu horraysay ee tababaro noocan ah aanu qabanay,” ayuu yidhi Prof. Aadan Xaaji Cali.

DSCN6338

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Cabdi Xuseen Gaas, ayaa xusay in Jaamacadda Hargeysa tahay mid heer caalami ah oo caalamka laga aqoonsan yahay, tababarada noocan ahna ay yihiin qaar mandaqada Geeska Afrika u baahan tahay, sidaa darteedna Jaamacaddu xoogga saari doonto tababarada heerka caalami ah si ay xidhiidho ula samayso Jaamacadaha adduunka.

DSCN6395

Wasiirka Qorshaynta, ahna Guddoomiyaha Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa Dr. Sacad Cali Shire, ayaa tilmaamay in nabada iyo habka loo dhiso ay bulshada Somaliland caan ku tahay, waxaannu yidhi; "Haddii dhawr sanno ka hor la odhan lahaa tababarkan oo kala halkan lagu qabanaya dad badan baan rumaysteen, taasina waxay sheegaysaa masaafada aynu soo gudubnay iyo horumarkaynu samaynay, waxaana farxad gaar ah inoo ah in arrinka laga hadlayaa nabad yahay, nabadana waayo-aragnimo badan baynu u leenahay, waxaanaynu soo aragnay nabad la’aan, sidii loo raadin lahaana waynu ka hawlgalnay, waynu helnay nabada,waynu dhisnay nabad, waanaynu dhaqaalaynay nabada, walina dhaqaalaynteedii baynu ku jirna.” Loure Speciale oo ka mid ahayd xubnaha tababarkan ka qaybgalay, kuna hadlaysay afka Jaamacadda Scuola Superiore Santa’Anna, ayaa xustay in mustaqbalka Jaamacadoodu xidhiidho kuwan ka wanaagsan la yeelan doonto Somaliland.

DSCN6361

Xogyaha Guud ee Guurtida Mr. Cabdillaahi Ibraahim, ayaa sheegay in dhaqanka Somaliland ku dhisan yahay habka loo xaliyo colaadaha, isagoo ka qaybgalayaasha ku boorriyey inay dhaqanka dib ugu noqdaan wax badana ka badhaan si ay isula eegaan habka caalamiga ah ee loo xaliyo khilafaadka iyo habka dhaqan ka ku salaysan.

DSCN6358

Agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Mr. Khadar Axmed Diiriye, ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo nabada iyo is dhexgalka bulshada, caalamkuna u baahan yahay in nabada dhismaheeda meel looga soo wada jeesto. Waxa kale oo halkaas ka hadlay Mr. Cumar Jaamac Faarax oo ku hadlaayey afka xubnaha la tababaraayey oo sheegay in ay ka faa’iideen tababarkaas ay wax badan ka faa’iideen, kuna dabakhi doonaan shaqadooda maalin la ah ee shacabka ay u hayaan.

DSCN6385

La-taliyaha Hay’ada UNDP ee Somaliland Mr. Gati, ayaa la afhaantiisu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Hargeysa lagu qabto tababarkan caalamiga ah, isagoo Somaliland ku amaanay in aqoon badan u leedahay xalinta khilafaadka iyo dhisida nabad waarta.

DSCN6351

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Sacad Cali Shiri, ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey xubnaha ka qaybgalay tababarkan muddada uga socday xarunta Mac-hadka Xalinta Khilafaadka Ee Jaamacada Hargeysa.

DSCN6422DSCN6423DSCN6421DSCN6404DSCN6405DSCN6406DSCN6416DSCN6417DSCN6398DSCN6399DSCN6400DSCN6402DSCN6403DSCN6397DSCN6395DSCN6394DSCN6392DSCN6390DSCN6384DSCN6386DSCN6388DSCN6389DSCN6381DSCN6376DSCN6375DSCN6374DSCN6372DSCN6361DSCN6363DSCN6368DSCN6369DSCN6371DSCN6359DSCN6360DSCN6355DSCN6343DSCN6342DSCN6334DSCN6327DSCN6326DSCN6325DSCN6322DSCN6311DSCN6461DSCN6460DSCN6457DSCN6456DSCN6445

Afkashacbka.com
Hargeysa/Office
Contact@afkashacabka.com