Xisbiga WADDANI Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah Ku Qaabilay Haweenkii Ku Suntanaa Guushii KULMIYE Ee Doorashadii 2010-kii Oo U Soo Diga-Rogtay WADDANI.

0
Monday January 23, 2017 - 10:24:48 in by Burco Office
  • Visits: 491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga WADDANI Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah Ku Qaabilay Haweenkii Ku Suntanaa Guushii KULMIYE Ee Doorashadii 2010-kii Oo U Soo Diga-Rogtay WADDANI.

    Xaflad aad u bilan oo Xisbiga WADDANI uu ku qaabilaayey sida oo kale na ku soo dhaweynaayey haweenkii ugu mudnaa ee guusha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad aad u bilan oo Xisbiga WADDANI uu ku qaabilaayey sida oo kale na ku soo dhaweynaayey haweenkii ugu mudnaa ee guusha

u soo hooyey Xisbiga KULMIYE sannadkii 2010kii ee Doorashadii Madaxtooyada Somaliland oo ka soo diga-rogtay Xisbigaasi isla mar ahaantaana cududooda taageero ku biiriyey Xisbiga WADDANI, ayaa maanta ka qabsoontay hotel Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa.

108A7567

Haweenkan oo xilal kala duwan ka hayey Xisbiga KULMIYE gaar ahaan guddoomiyahii gobalka Maroodi-jeex ee KULMIYE, degmooyinka Maxamuud Haybe, Maxamed Mooge, Axmed Dhagax, degmada Gacan-libaax iyo weli ba sida oo kale haween tira badan oo iskugu jiray garabka haweenka heer qaran ee Xisbiga KULMIYE iyo ururka Now, ayaa waxa xafladdoodii lagu soo dhaweynaayey ka soo qeyb-galay guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), Marwada guddoomiyaha Xisbigaasi Marwo Farduus Maxamed Rooble, hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan, xoghayaha guud ee Xisbigaasi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, xildhibbaano, madax-dhaqameed iyo weli ba sida oo kale taageerayaal aad u tira badan.

Guddoomiyaha garabka haweenka hee qaran ee Xisbiga WADDANI Marwo Foosiya Keyse, xubno ka mid ah garabka haweenka heer qaran ee WADDANI iyo guddoomiyaha haweenka ee gobalka Maroodi-jeex oo dhammaantood ba halkaas ka hadlay, ayaa ugu horeyn si aada ug soo dhaweeyey haween-weynaha ku soo biiray Xisbiga WADDANI, waxaana ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay garab iyo gaashaan ba ka helaan haweenkii guusha u soo hooyey KULMIYE 2010kii.108A7554

Qaar ka mid ah haweenka ka soo diga-rogtay KULMIYE ee xafladda loo sameeyey oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI, waxaana ay carabka ku dhufteen in ay Xisbiga WADDANI u arkeen in uu yahay xisbiga kaliya ee dalkan horumar gaadhsiin kara iyaga oo sida oo kale na dhaliilo xooggan u soo jeediyey Xisbiga KULMIYE.

"Farxad-weyn bay maanta noo tahay in aanu ku soo biirno Xisbiga WADDANI, anagu hadaanu nahay haweenka maanta uu WADDANI xafladda u sameynaayo, waxa aanu ka soo kala jeednaa dhammaan ba degmooyinka xaafadaha Hargeysa oo idil, intan uun kuma koobnin waanu ka badan nahay, waxaana aanu iskugu jirnaa haweenkii heer qaran ee KULMIYE, heer degmo, heer xaafaddeed, ururka Now iyo weli ba sida oo kale haween aad u tira badan oo laf dhabar u ahaa guushii KULMIYE ee 2010kii, markaa haddii aanu nahay haweenka noocaas ah anaga ayaa iska soo casilnay KULMIYE oonu u aragnay in aanu dalka iyo dadka toona dan u ahayn, xisbigaasi na waxa uu noqday xero ciidan oo car-juuqdhe ah, Xisbiga WADDANI waanu dhisaynaa, xoogayaga iyo xoolahayaga na waxba kala hagran mayno, guushii na way innoo dhow dahay.”.Ayey yidhaahdeen haweenka ku soo biira WADDANI.

Guddoomiye ku xigeenka Shanaad ee Xisbiga WADDANI Marwo Milgo San-baloodhle oo iyagu na dhankeeda halkaas ka hadashay, ayaa si diiran u soo dhaweysay haweenkaas, waxaana ay sheegtay in astaamaha guusha lagu yaqaano in ay kugu soo biiraan haweenka iyo dhallinyaradu.

108A7520

"Waxa farxad-weyn noo ah in maalmahan is-daba socda ay noo noqdeen kuwo Xisbiga ay ku soo biirayaan haween kali ah oo awal markii hore waxa ay ahayd xaafad xaafad iyo demo degmo se maanta way ka soo awood badan tahay oo waxa halkan ku dhan oo aanu ku soo dhaweynaynaa waa degmooyinkii Maroodi-jeex dhammaantood, aad baan idiin soo dhaweynayaa farxad weyn baana ayey noo tahay in aad nagu soo biirtan, waxaana cad oo muuqata in marka meel laga guuleysto ay haween iyo dhallinyaro ba ka guuraan.”.Ayey tidhi Marwo Milgo

Siyaasi Xamarje oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa si aada u soo dhaweeyey haweenkaasi, waxaana uu carabka ku dhuftay in haweenkani ay ahaayeen haweenkii Xisbiga KULMIYE 2010kii guusha uga soo hooyey gobalka Maroodi-jeex.

"Maanta waxa aan halkan ku soo dhaweynayaa hablahii igu qaaliga ahaa ee inta badan aanu soo wada shaqeynay oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI, waxaana aan idiin sheegayaa in haddii uu KULMIYE berigii 2010kii uu guul ka keenay gobalka Maroodi-jeex aniga oo kali ahi kamaan keenin ee waxa guusha KULMIYE ee gobalka Maroodi-jeex u keenay waxa ay ahaayeen hablahan maanta ku soo biiray WADDANI.”.Ayuu yidhi Xamarje108A7538

Xildhibbaan Waabeeye oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay kaalinta iyo doorkii siyaasaddeed ee ay ku lahaayeen guushii Xisbiga KULMIYE ka soo hooyey doorashooyinkii 2010kii, waxaana uu ku amaanay in ay ahaayeen dad hal adeyg badan oo aad u firfircoon.

"Runtii Xisbigayagii hore ee KULMIYE wuu is-yaqaanaa, waxaan halkan maraaya halbowleyaashii haweenka ahaa ee KULMIYE, waa dumarkii ka kala tirsanaa dhammaan ba degmooyinka iyo xaafadaha Maroodi-jeex ee KULMIYE, waxa ay ahaayeen garbahii aanu ku duuli jirnay, waxa ay ahaayeen dadkii salka u ahaa ololahii KULMIYE ee 2010kii, waxa ay ahaayeen dadkii abaabuli jiray dhallinyarada iyo haweenka, waa dad aan daalin oo habeen iyo maalintoona ka seexanin Kaambeynka, aad baanan maanta ugusoo dhaweynayaa in ay ku soo biiraan WADDANI.”.Ayuu yidhi Xildhibbaan Waabeeye

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay:

"Marka hore waan u mahadcelinayaa haweenka ku soo biiray WADDANI, waxaana aan lee yahay haddii ay hore qaali ugu ahaayeen KULMIYE, maanta na wax ay qaali ku noqon doonaan WADDANI, waxaana ay ahaayeen haweenkii mishiinka u ahaa KULMIYE, ee na taageerayey, na dhisaayey sida oo kale na aanu ku dhaadan jirnay in ay ahaayeen baan marag ka furayaa aad iyo aad baana aanu ugu baahneyn, waxaanan aaminsanahay in WADDANI ay dhaqaajin doonaan tamar iyo dhaqaale ba ay galin doonaan iyaga oo iskaashanaya hablahii hore u joogay ee WADDANI.”.Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan

Xoghayaha guud ee WADDANI oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:”Hadaanu nahay Xisbiga WADDANI aad iyo aad baanu u soo dhaweynaynaa hablaha ku soo biiray, waxaana aanu lee nahay walaaleyaal soo dhawaada oo Xisbiga ni waa Xisbigiinii, waa xisbi cidna aanay gaar u lahayn oo umadda reer Somaliland oodhammi ay wada lee dahay guud ahaana kii hore u soo galay iyo kii imika soo galayna ay u siman yihiin.”Ayuu yidhi Uurcadde

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna gebo-baddii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Xisbiga WADDANI ay ku soo biiraan haweenkii ku suntanaa guushii uu Xisbiga KULMIYE 2010kii ka soo hooyey gobalka Maroodi-jeex.

"Aniga oo aad ugu faraxsan waxa aan soo dhaweynayaa siyaasiyiinta haweenka ah ee ka midka ahaa madaxdii iyo aas aaseyaashii Xisbiga KULMIYE sida oo kale na ka mid ahaa dadkii dhaliyey guushii uu gaadhay KULMIYE 2010kii ee iyagu maanta go’aansaday in ay ka soo baxaan oo ay ka soo guuraan oo ay cududooda iyo xirfaddooda siyaasaddeed iyo weli ba waayo aragnimaddooda ba ay ku biiriyaan Xisbiga WADDANI oo isha Allah noqon doona Xisbiga ku guuleysanaaya Doorashada soo socota. Waxa aan lee yahay hablahaas iyo garabka dhallinyarada ee la socday ba waxa aanu idin ku soo dhaweynaynaa gacmo furan iyo qalbi furan ee soo dhawaada, soo dhawaada.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro