Shirkadda Samsung Oo Baadhitaan Ku Samaysay Sababta Uu La Kululaanayay Ama La Gubanayay Taleefoonkeeda Galaxy Note 7

0
Monday January 23, 2017 - 10:28:19 in by Burco Office
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Samsung Oo Baadhitaan Ku Samaysay Sababta Uu La Kululaanayay Ama La Gubanayay Taleefoonkeeda Galaxy Note 7

    Shirkadda Samsung oo baaritaan ku samaysay sababta uu la kululaanayay ama la gubanayay taleefoonkeeda Galaxy Note 7 ayaa ogaatay in mushkiladdaasi ay ka imanaysay cilad gashay baytariga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Samsung oo baaritaan ku samaysay sababta uu la kululaanayay ama la gubanayay taleefoonkeeda Galaxy Note 7 ayaa ogaatay in mushkiladdaasi ay ka imanaysay cilad gashay baytariga.

Shirkadda ayaa bishii October ee sanadkii hore joojisay iibinta taleefankeedan ka dib markii ciladdaas lagu arkay.

Isniintan ay shirkaddu sheegtay in ciladdaasi ay ku egtahay baytariga oo kali ah isla markaasna aysan la xiriirin qaybaha kale ee taleefoonka.

Waxaa loo malaynayaa in shirkaddu ay khasaartay 5.3 bilyan oo doolaar ka dib markii ay joojisay iibinta taleefakaas isla markaasna ay soo celisay kuwii ay iibisay, ka dib markii ay ka cawdeen macaamiishu, arrintaas ayaana dhaawacday sumcaddii shirkaddaas oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed.

Shirkadda ayaa ciladda Galaxy Note 7 ku faahfaahisay war qoraal ah oo ay soo saartay.

 

Shirkaddu waxay sheegtay in qaabayta taleefanka iyo labo warshadood oo taleefanadda lagu sameeyo ay kaalin ku lahaayeen ciladda baytariga gashay.