Dowladda Uganda Oo ka Hadashay Askarigii Al-shabaab Ay Toogteen

0
Monday January 23, 2017 - 10:36:19 in by Burco Office
  • Visits: 580
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Uganda Oo ka Hadashay Askarigii Al-shabaab Ay Toogteen

    Dhawaan ayeey Al-shabaab soo bandhigeen muuqaalka asarki ka tirsanaa ciidamada Uganda oo mudo dheer u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhawaan ayeey Al-shabaab soo bandhigeen muuqaalka asarki ka tirsanaa ciidamada Uganda oo mudo dheer u
 afduubnaa oo toogasho lagu dilayo kadib markii ay ku qafaasheen weerar ay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen gobolka Sh/hoose.
Afhayeenka Ciidamada Uganda Paddy Ankunda ayaa u sheegay wareyska Daily Monitor in ay askariga aqoonsadeen oo lagu magacaabo Masassa islamarkaana ay ku waayeen dagaalkii ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Sh/hoose.
Afhayeenka ciidamada Uganda Paddy Ankunda ayaa sheegay in ay qaadi doonaan talaabo loogu aargudayo askarigooda,waxaana uu xusay in Al-shabaab ay tusi doonaan awooda ciidamadooda Uganda ay leeyihiin.

Ugu danbeyntii, Al-shabaab ayaa la sheegaa in ay gacanta ku hayaan ciidamo kale oo ka tirsan howlgalka AMISOM, kuwaa oo ay ku qabteen qeybo ka mid ah koofurta Soomaaliya.