Beesha Caalamka Ku Baaqday In lagu Dhaqsado Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

0
Monday January 23, 2017 - 10:47:39 in by Burco Office
  • Visits: 471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka Ku Baaqday In lagu Dhaqsado Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

    Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in ay u taallo xildhibaanada cusub shaqo culus oo loo baahan yahay in ay u wajahaan si deg deg ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in ay u taallo xildhibaanada cusub shaqo culus oo loo baahan yahay in ay u wajahaan si deg deg ah.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in doorashada madaxweynaha Soomaaliya loo baahan yahay in ay ku dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan madaam lagu guuleystay doorashada gudoonka aqalka sare.
QM iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale xildhibaanada cusub ugu baaqay in ay ka fogaadaan in lacag ay ka qaataan musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya.
” Xidhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa laga doonaaya in ay doortaan hoggaan aysan sumcadooda  ku xumeyn oo aysan ka qaadan kharashaad, waxaana xildhibaanada  ka codsanaynaa in ay doortaan hoggaan ay ku qanci karaan bulshada Soomaaliyeed iyo sidoo kale beesha caalamka”
"Isla markaana Soomaaliya waxaa soo food saartay caqabado badan oo ay ka mid yihiin abaaraha, shaqo la’aan iyo amni-darro, baarlamaanka  waxaa ay fursad u leeyihiin inay doortaan  hoggaan kaasi wax ka qaban kara  baahida aasaasiga ah muwaadiniinta ” ayuu yiri Michael Keating, ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya.
Maalintii shalay ayeey aheyd markii la soo dhameystiray dooorashada guddoonka aqalka sare ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in dhawaan kulan wada jir ah yeeshaan labada aqal ee Soomaaliya oo ka arinsan doona doorashada madaxweynaha.