Amniga Magaalada Muqdisho Oo Siweyn loo Adkeynayo

0
Monday January 23, 2017 - 11:36:14 in by Burco Office
  • Visits: 541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amniga Magaalada Muqdisho Oo Siweyn loo Adkeynayo

    MUQDISHO(AFKA)Ciidamada booliiska dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay in ay xoojiyaan amniga magaalada Muqdisho xili loo diyaargaroobayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MUQDISHO(AFKA)Ciidamada booliiska dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay in ay xoojiyaan amniga magaalada Muqdisho xili loo diyaargaroobayo
doorasho madaxweynaha Soomaaliya ee afarta sano ee soo socta oo ah doorasho muhiim u ah Soomaaliya.
Ciidamo aad u hubeysan ayaa lagu arkayaa inta badan isgooysyada magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo xarumaha muhiimka ah ee dowladda.
Ciidamada ayaa sidoo kale howlgalo joogta ah ka sameeya xiliyada habeenkii xafadda magaalada Muqdisho si looga hortago weeraro qorsheysan oo ka dhaca magaalada.
Jen Bashiir Abshir Geedi oo ah taliyaha ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada soo guteen sida uu hadalka u dhigay waajibaadkii doorashada gobollada shacabka iyo aqalka sare, diyaargaroowna ugu jiraan sidii ay u sugi lahaayeen amniga doorashada madaxweynaha oo la filayo in ay dhacdo todobaadyada nagu soo foolka leh.
Ugu danbeyntii, waxaa uu sheegay in ay ku guuleysteen in ay si amni ay ku dhacdo doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, sidaa is lamid ahna rajeynayaa in la xaqiijiyo nabad-galyada caasimada inta lagu gudajiro doorashada madaxweynaha.