Qaramada Midoobey Oo Shaacisey Tirada Dadwaynaha Isu Diwaangaliyey Doorashada Somaliland+Tirada Dadka Isdiwaangaliyey Iyo Halka Warbixinta Laga Jeediyey.

0
Monday January 23, 2017 - 11:39:48 in by Burco Office
  • Visits: 420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobey Oo Shaacisey Tirada Dadwaynaha Isu Diwaangaliyey Doorashada Somaliland+Tirada Dadka Isdiwaangaliyey Iyo Halka Warbixinta Laga Jeediyey.

    Qaramada Midoobey ayaa shaaciysay tiradda dadwaynaha isu diiwaangaliyey codbixinta doorashooyinka Somaliland ee soo socda,iyada oo sidaasna lagu sheegay warbixin loo gudbiyey golaha amaanka qaramada Midoobey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobey ayaa shaaciysay tiradda dadwaynaha isu diiwaangaliyey codbixinta doorashooyinka Somaliland ee soo socda,iyada oo sidaasna lagu sheegay warbixin loo gudbiyey golaha amaanka qaramada Midoobey.


Xoghayaha guud ee qaramada Midoobey Mr.Antonio Guterres oo soo saaray warbixintiisii u danbaysay oo uu kaga hadlay arrimaha somaliya ,waxa uu qayb kamid ah kusoo qaatay diiwaangalintii codbixiyayaasha ee laga sameeyey dalka Somaliland taas oo lasoo gunaanaday bishii September 2016-kii.
"18 bishii September 2016-kii ka dib muddo ilaa Sideed Bilood ah Somaliland waxay hirgalisay diiwaangalinta codbixiyayaasha oo ay ugu diyaar garoobayso doorashada baarlamaankeeda iyo madaxtooyadeeda . ilaa 850,000 (Sideed Boqol iyo Konton Kun) oo codbixiye ayaa la diiwaangaliyey oo ay ku jiraan markii u horeysay taariikhda dhulka lagu muransan yahay ee Sool,Sanaag iyo Cayn "Buuhoodle”,balse waxay isku dhacyo ku dhex mareen ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland bariga sanaag 18 bishii July,iyada oo ay ku dhinteen shan qof laakiin wada hadalo toos ah oo dhex maray labada dhinac ayaa horseeday inuu joogsado isku dhacu,waxaana halkaasi si guul ah uga hirgalay diiwaangalinta codbixiyayaasha Somaliland”.
 
Waxa kale oo xoghayaha guud ee qaramada Midoobey ka hadlay dib u dhaca ku yimi doorashooyinka Somaliland ,gaar ahaana kala qaadistii labada doorasho ee golaha wakiilada iyo madaxtooyada waxaana uu yidhi
"Doorashooyinkii baarlamaanka iyo madaxtooyada ayaa hore ugu qorshaysnaa in la qabto 28 bisha March 2017-ka,haseyeeshee madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo” ayaa digreero uu soo saaray 10kii September dib ugu dhigay doorashada baarlamaanka ilaa muddo aan cayinayn,iyada oo sababta ugu wayn tahay baahi loo qabo in dib u eegis lagu sameeyo kuraasida saami qaybsiga gobolada Sool,Awdal iyo Sanaag bari,waxaana ay madaxda Somaliland ilaa wakhtigaas isku dhago marinayaan baaqyo uga imanaya xisbiyada Mucaaradka ah,ururada bulshada iyo beesha caalamka oo ah inay ka noqdaan go’aankaasi”.
Guddiga doorashooyinka Somaliland Ayaan wali si rasmi ah usoo saarin tiradda rasmiga ah ee dadka iska diiwaangaliyey gobolada dalka si ay codkooda uga dhiibtaan doorashooyinka dalka kusoo foolka leh ee madaxtooyada iyo baarlamaanka,waxaana ay guddiga komishanku ka gaabsadeen ka hadalka arrinka marar badan oo warbaahintu wax ka waydiisay.