War Deg Deg Ah:Haweenka isqarxiya ee ka tirsan kooxda Boko Haram ee dalka Nigeria oo la soo baxay xeelad cusub

0
Tuesday January 24, 2017 - 12:36:52 in by Burco Office
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Haweenka isqarxiya ee ka tirsan kooxda Boko Haram ee dalka Nigeria oo la soo baxay xeelad cusub

    Haweenka ka tirsan kooxda Boko haram ee qaraxyada ka gaysta dalka Nigeria ayaa bilaabay xeelad cusub oo ay kaga badbaadaan ciidamada Nigeria ee ku sugan baraha control ee ay ka gudbayaan si aan looga shakinin inta ay ka gaarayaan bartilmaameedka ay d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweenka ka tirsan kooxda Boko haram ee qaraxyada ka gaysta dalka Nigeria ayaa bilaabay xeelad cusub oo ay kaga badbaadaan ciidamada Nigeria ee ku sugan baraha control ee ay ka gudbayaan si aan looga shakinin inta ay ka gaarayaan bartilmaameedka ay doonayaan iney isku qarxiyaan. Dowlada Nigeria ayaa shaacisay in haweenkan ay bilaabeen iney carruur horey u wataan si ay uga badbaadaan in la qabto ama la fashiliyo.

Weerar ka dhacay magaalada Madagali 13-kii Janaayo ayaa la arkay labo haween ah oo is qarxinaya iyagoo dilay lafahooda, labo ilmood oo ay wateen iyo afar ruux oo kale.

Haweenkan ayaa inta aysan isqarxin ka hor Waxay ka soo gudbeen bar kontarool oo ay joogeen ciidammo is abaabulay iyagoo loo qaatay inay qoysas yihiin maadaama ay carruur wateen.

Dumarka is qarxiya ayaa horay loo arki jiray, laakiin saraakiishu waxay sheegayaan inay arrin halis ah tahay in carruur la adeegsado si looga badbaado shakiga ciidamada baaritaanada sameynaya.

Afar haween ah ayaa qaraxyo ka gaystay Madagali oo ka tirsan gobolka Adamawa oo dib looga qabsaday ururka Boko Xaraam sanadkii 2015-kii.

Labo ka mid ah haweenkan ayaa lagu joojiyey bar kontorool, iyagoo markaas ka dibna isqarxiyay sida ay saraakiishu sheegeen balse labo dumar ah oo carruur watay ayaan la baarin waxayna is qarxiyeen markay ka gudbeen barihii Control ee ciidamada ammaanka.

Boko Haram oo sanadkii hore shaacisay iney ku biirtay kooxda isugu yeerta dowlada islaamka ayaa lagu yaqaanaa inay adeegsadaan haweenka is qarxiya.

Dawladda Nigeria ayaa dagaal kula jirta ururkaas iyaga oo dib uga qabsaday goobo badan oo ay ka arrimin jireen, iyadoo Boko haram oo ka jawaabeysa arintan ay kordhisay weerarada isqarxinta ah.