Kana Siib, Kana Saar: Wasiirka Madaxtooyada JSL Oo Shacabka Ku Hambalyeeyay 26-ka June

0
Friday June 27, 2014 - 19:11:21 in by Super Admin
  • Visits: 935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kana Siib, Kana Saar: Wasiirka Madaxtooyada JSL Oo Shacabka Ku Hambalyeeyay 26-ka June

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyay xuska 54 guurada Madax-banaanida Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyay xuska 54 guurada Madax-banaanida Somaliland.


Qoraal kooban oo uu wasiirku Caawa ku baahiyey Bloggiisa Guusha.com, iyo Bogga uu ku leeyahay Mareegta Facebook ayuu ku yidhi sidan 

 "Kana Siib, Kana Saar Guud ahaan Shacabka reer Somaliland waxaan ugu Hambalyeynayaa Munaasibadda 26-ka June, Maanta (shalay) oo kale 54 sano ka hor waa maalintii calankii Xoriyadda laga taagay ciidda Somaliland

Waxay ahayd maalin farxad wayn u ahayd guud ahaan qaarada Afrika oo Wakhtigaas "1960″-kii ku jirtay dhaqdhaqaqii Gobonimo doonka Africa

Nasiib Wanaag Somaliland waxay ka mid noqotay dalalkii nasiibka u helay in ay xoriyadoodii ka helaan Maxmiyadii Ingriikska "British Protectorate”


Shacabka reer Somaliland meel aad joogtaanba Waxaan idiin rajaynayaa cibaado, Cafimaad iyo Calankeena oo hela Ictiraaf Caalamiya. 



Wabilaahi Tawfiiq